Wasiirka Gaashaandhiga oo ka hadlay arrimaha ay qaabilsan tahay Waaxda Miinada ee Wasaaradda Gaashaandhiga Somaliland

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Jamhuuriyadda Somaliland Mudane C.qani Maxamud Caateeye (Fariid) ayaa ka hadlay waxyaabaha ay Waaxda Miinadda ee Wasaaradda Gaashaandhigu ka qabatay soo saarida Miinooyinka iyo Walxaha qarxa ee ku xabaalan dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Wasiirka Gaashaandhigu waxa uu sheegay in Waaxdani u xilsaaran tahay sidii goobaha loogu tuhun san yahay in Miinooyin Iyo walxaha kale ee qarxaa ay ku aasan yihiin ay uga soo saari lahayd isla markaana bulshada Somaliland looga wacyigelin lahaa.

Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Mudane C.qani Maxamed Caateeye Fariid waxa uu shacabka Somaliland ku baraarujiyey maadama lagu jiro xili roobaadkii inay ka taxadiraan waxyaabaha shakiga leh ee qulqulka biyaha roobku ay ka soo saaraan dhulka.

Rashiid Ibraahin Aadan Agaasimaha Waaxda Miinadda ee Wasaaradda Gaashaandhiga Somaliland ayaa sheegay in Xukuumadda Somaliland ay dadaal weyn gelisay cidhib tirka Miinooyinka dhulka ku xabaalan waxaanu xusay in hawlaha ugu muhiimsan ee ay Waaxdani qabato ay ka mid tahay diyaarinta qorshe muujinaya sidii deegaamada dalka looga sifayn lahaa Miinada iyo walxaha kale ee qarxa ee Ku xabaalan iyadoo la soo xiganayo sahamo sadex jeer laga sameeyay dhulka Somaliland.

Dhanka Kale Waaxda Miinada ee Wasaaradda Gaashaandhiga ayaa Wacyigelin ku saabsan khatarta miinada waxay u qabatay ardayda dhigata dugsiga Sheekh bashiir ee Caasimadda hargaysa.

    

Advertisement

Ku Xayeysiiso