Madaxweynaha turkiga Recep Tayyip Erdo Erdoganan ayaa ku dhawaaqay in uu ciidamo iyo taageero kale oo militari u dirayo dowlada Liibiya ee uu aqoonsan yahay caalamku.
Khudbad uu jeediyay Erdogan wuxuu ku sheegay inuu baarlamaanka horgeynayo horaanta Janaayo ee sanadka soo socda mooshin la xiriira in ciidamo loo diro Libiya si ay ugu codeeyaan sharciga howlgalka ee uu damacsan yahay.
“Waxaan soo bandhigi doonnaa mooshinka ah inaan ciidan u dirno Libya sida ugu dhakhsaha badan marka baarlamaanku uu yeesho kulankooda caadiga ah, ayuu yidhi Erdogan.
8-9 –ka Janaayo ayaa lagu wadaa in Madaxweynaha Turkiga uu baarlamaanka horgeeyo mooshinkaasi,ka dib codsi ka yimid dowladda Libiya ee fadhigeedu yahay Tripoli, ayuu yidhi.
BiIshii hore Turkiga iyo Libya waxay kala saxiixdeen heshiis ku saabsanaa xagga ammaanka iyo wax wada qabsiga ciidamada.