Taariikhdu Yey Lumin !!!
Xaafadaha Jameeco-Weyn iyo Dunbuluq oo ka Dhismo Horeeyey Magaalada Hargeysa:
Xaaafadaha Mataanana.
Mar Haji Abdikarim Hussein Yussuf uu ka Hadlaayey Taariikhda Hargeysa, Waxa uu Sheegay in Magaalada Hargeysa loogu Yimid Beelaha Cidagale & Arab, Magaaladana ay Aasaaskeeda lahaayeen..
Hadal Murtiyeedkii Haji Abdikarim Hussein Yussuf ( Xafidahullah ) Waxa Ka Mid ahaa:
1 ) 1838 kii Caleemo Saarkii Suldaan Diiriye Suldaan Xasan Suldaan Faarax ee Dooxooyinka Herer ee lagu Qabtay Xaafadaha Mataanaha ee Jameeco-Weyn & Dunbuluq.
2 ) 1884 kii Sannadku Isticmaarkii Ingiriisku Dalka Qabsaday, 46 Sanno ka dib Caleemo Saarkii Suldaanka.
3 ) 1885 kii Sheekh Madar iyo Xertiisii Kolkay Yimaadeen,Waxa ku Qaabiley Dooxooyinka Herer Suldaan Diiriye, Waxana lala Dejiyey Sheekh Haruun oo Xaafadda Jameecada si Deganaa oo ahaa Maamulaha Gacanta ku Hayey Xarunta iyo Saldhigga lagu Barto Quraanka iyo Culuumu Diin.
4 ) May 1891 kii ayaa la Bixiyey Magaca British Somaliland Protectorate ka dib Heshiiskii Soohdimaha ee Dhexmaray Boqortooyadii Ingiriiska iyo Talyaaniga.
5 ) Magaca Harga-geysa Sidu u Baxay, Goortu Baxay iyo Cidda Bixisay??
Lord Delamere sannadkii 1891 kii ayuu Markii ugu Horeysay soo Cago.Dhigtay Somalind , Isaga oo Sannad Walba soo Noqon Jiray, Isaga oo Sahan iyo Ugaadhsi u Iman Jiray.. 1894 kii ayaa Delamere Markii ugu Horeysay uu Booqasho ku soo Gaadhay Dooxada Herer oo Suldaanka Deegaan Rasmiya iyo Fadhiba u ahayd..
Delamerer ayaa Suldaan Diiriye iyo Haji Meygaag Weydiiyey Magaca Magaalada. Waxay u Sheegeen in Herer la Yidhaahdo. Delamere aayaa ugu Jawaabay ,,There are too Many Herers in East Africa, Isaga oo ku Lamaynaayo Hererta Ethiopia. Haji Meygaag baa Markiiba Magacii Herer u Bedelay Harga-Geys.Haji Meygaag Cilmi Geedi ( Ilka-Dheere ) Waxu ahaa La-Taliyaha (Mustashaarka) Suldaan, Magaca Hargeysa isaga Bixiiyey, Ingiriiskuna ku Diiwaan Geliyey.
6 ) 1894 kii ayaa Magaca Hargeysa Baxay Kolkaas oo Nus Qaarni ay labada Xaafadood ee Mataanuhu ay Jireen. Magaalada Dhinaca Waqooyi ee Dooxa Waxa Dhismaha iyo Degitaankuba ay Bilaabantay Bilawyadii 1900kii.
7 ) Imaatinkii Sh. Madar Iyo Degitaankii labadaMataanood (Jameeco-Weyn/Dunbuluq) Waxa u Dhaxeeyey 50 Sanno.Xaafadda Jameecada oo ahayd halkii Magaalada Aasaaskeedu ka Bilaabanay ayaa Dhismayaasheedu u Badnaayeen Cariishyo iyo Dergado, Halka Xaafadda Dunbuluqna ay Aqalo Somali ahaayeen. Waxan si Gaar ah Xaafadda Jameecada oo aan ku Dhashay aanu Ku Xusaa Kuna Ciseeyaa Dadkii Deggaan oo Baryo Danbe aan ogaaday in Somali Cid kasta iyo Qabiil kasta oo ay ka kooban tahay in ay Jameecada ay Deganaayeen.
Xus u Gaar ah Reer Jameeco & Reer Dunbuluq ee 1970 kii:
Taariikhdu waa 20/10/1970, Waa 12 Saacadood Gudahood, Cadceedi inta God ku Jirtay, Gabal Dhac iyo Waagii Xigay oo soo Shaacaya, ayaanu Ku Dhisanay Jid Weyn ee u Dhaxeeya Kaalintii Shidaalka ee Total ila Bakhaarada Geelle Arab ee Bridge Afkiisa. Waagu Wuxu noo Baryey iyada oo xitaa Dhirtii labada Haad u Dhaxaysay aanu ku Abqaalnay!!! 09:00 Subaxnimo iyada oo Salaantii Octbertii ee ugu horeysay aanu soo Bixinay ayaanu Gaardi ku Maranay laamaydii Xalay aanu Sameynay. Waxay ahayd Hawl Mataanuhu ay Qabsadeen oo Xasuus Reebtay!!!
Fiiro Gaar ah:
Taariikdu Yey Lumin!!! Taariikhda Hargeysa & Degitaankeeda Waxanu Wada leenahay Ciddii u Dhalatay Jad-ka-Jad, Waxan Qoraalkaygan ku Caddeynayaa in War Bixintan Summadeeda, Sheegashadeeda & Doodeeda oo Hufan in aan Aminkasta iyo Cidkasta aan Diyaar u ahay.
Xusuus Qorkii Chief Caaqil Cabdiraxmaan Xassan Xaaji.
Illaahay Haw-naxariisto Caaqilka Iyo Xaaji Cabdi Yuusuf (Cabdi Waraabe) Godkana Haw-nuuro Aamiin Aamiin Aamiin.
Khadaryare.