Wada- hadalada Somaliland iyo Somalia
Qaybtii 1aad.
04.01.2020
Magacaygu waa Amb. Abdi M.Saleiman(Mingiste).Waxaan u dhashay ,kuna dhashay Somaliland,gaar ahaan Gobolka Togdheer.Waxaan wax ku bartay,kuna barbaaray Soomaaliya,gaar ahaan magaalooyinka Jowhar-Muqdisho iyo Afgooye.Waxaan si fiican u aqaanaa dhaqanka Somaliland iyo kan Soomaaliya labadaba.
Marka laga soo bilaabo sanadkii 2002 ilaa xilligan aynu joogno waxaan si toos ah iyo si dadbanba ugu jiray guud ahaan Siyaasada Somaliland,gaar ahaan Siyaasada Arrimaha Dibadda ee Somaliland,anigoo xilal kala duwan ka soo qabtay,Xisbiyada iyo Xukuumadaba.
Haddaba waxan jecelahay in aan halkan idiinku soo gudbiyo maqaalo taxane ah oo aan kaga hadlayo wada-hadalada Somaliland iyo Soomaaliya.Waxaan qodob qodob isu dul istaagi doonaa arimo badan oo aan filaayo,in aad ka heli doonto macluumaad badan oo loo baahnaa amase waxtar leh.
1.Daraasad(Cilmi baadhis)
Soomalidu guud waxaa ka dhexeeya Isir-Af-dhaqan-Diin iyo Deegaan,waxa keliya ee ay isku haysataana waa Siyaasad.
Guud ahaan haba yaraatee ma jirto,wax daraasada amase cilmi baadhis ah oo lagu sameeyey,arimah ay isku haystaan Somaliland iyo Soomaaliya.
Tv-da oo layska caayo iyo in Wasiiro amase laba Wafti kulmaan,waxaa ka muhiimsan in la derso,waxa laysku haysto,lana fahmo miisaanka iyo muhiimada ay leeyihiin wada-hadalka Somaliland iyo Soomaaliya
Soojeedin:-
Anigu waxaan u soo jeedinayaa labada Dowladood amase labada Dhinacba Somaliland iyo Soomaaliya inta aanay bilaabin wada-hadalka in marka hore la dhiso Guddiyo Aqoon yahano ah,soo diyaariya waxa laga wada hadlayo,iyadoo loo kala horeysiinayo sida ay u kala fudud yihiin.
La soco qaybta 2aad iyo Maxaa looga jeedaa Somaliweyn(Shanta Soomaaliyeed)
ALLAA. M A H A D L E H
Amb. Abdi M.Saleiman(Mingiste)
abdi_saleiman@hotmail.com
fb. Abdi Saleiman