Xeer-ilaaliyaha Guud ee dawladda Puntland Maxamuud Xassan Aw-Cismaan ayaa shaaciyay waqtiga la fulin doono xukunkii dilka ahaa ee maxkamaddaha maamulkaasi ay ku rideen saddexdii nin ee ku eedaysna kufsigii iyo dilka loo geystay Caasho Ilyaas Aadan o aheyd gabar yar oo 12-sano jir ah.
Xeer-ilaaliyaha guud oo u waramayey warbaahinta ayaa sheegay in xukunka la fulin doono 11-ka bisha labaad ee sanadkaan,gaar ahaan saacadda marka ay tahay 8:00 subaxnimo,iyadoo goobta lagu fulin doonano ay noqon doonto magaalada Bosaaso.
Raggan Saddexda ah oo lagu kala Magacaabo C/fataax C/raxmaan Warsame, C/salaan C/raxmaan Warsame iyo C/shakuur Maxamed Dige ayaa 12-kii Bishii May ee sanadkii tegay ee 2019-kii Maxkamadda Gobolka Nugaal ay ku riddey xukun dil ah,iyada oo Maxkamadda Racfaanka ay ku raacday xukunkaas,kadib markii ay racfaan ka qaateen.