WARQAD FURAN: SIDDEED IYO TOBAN TALO…

KU: TALIYAHA GUUD EE CIIDANKA BOOLISKA SOMALILAND

KA: Cabdinaasir Axmed Abraham. 

Mudane S|G Maxamed Aadan Saqadhi (Daba-gale) bariido gacaltooyo kaddib, aan kugu bogaadiyo dedaallada iyo dardar-gelinta horta leh ee shaqada ciidanka booliska muddadii yarayd ee aad xilka taliyenimo haysay aad samaysay. Waxa I gashay rajo wanaagsan oo ku aaddan suurto-galnimada hagaajinta adeegga boolisku bulshada u qabto. Magacaabistaadu waxa ay ku soo beegantay xilli badiyaa ba shacabku ka niyad-jabeen, kana dayrinayeen shaqada ciidanka booliska. Imaatinkaagu qorrax lagu diirsaday ayuu ka dhignaa, hummaaggii wanaagsanaa ee aan ka haysannay ciidan ka Military-ga iyo ifafaalahaagu way is tagayaan. 

Muddo aan wax ka indho-indhaynayay arrimo ciidanku si u hoos yimaaddo, xogohii aan helay ayaan ku indhaha dillaacsaday ugu yaraanna waxa aan garanayaa ahmiyadda dawladnimo ee ciidan boolis oo bulshada si hagaagsan ugu adeegaa ay leedahay. Sidaas oo ay tahay waxa ila habboonaaday in aan warqaddan furan hawada kuu soo mariyo. 

I.   Macluumaaadka bulsho ee siyaabaha kala duduwan u soo gaadha booliska in macno loo yeelo si ay akhris u yeeshaan go’aanno maamul na uga dhashaan, waxa aan soo jeedin lahaa in la sameeyo xafiiska Dhiteynta Xogta “Data Centre”  Xafiiskani xogta uu kaydiyay haddii sannadkii laba goor war-murtiyeed uu ka sameeyo qaranku wuxuu ka faa’iidi lahaa wax weyn. Halkaa waxa ku qarsoon sababta keliya ee hay’adaha reer galbeedku arrimaha ciidanka booliska innooga caawiyaan. 

II. Ganaaxa lacageed ee Boolisku dadka sharciyada jabiya ka qaadaan haddii lacagtaa qorshe iyo siyaasad loo sameeyo waa la kordhin karaa waxa aanay noqon doontaa lacagtaasi haddii si wanaagsan loo maamulo mid wax weyn tari doonta ciidanka booliska.  

III. Dib-u-dhaca farsamada Technology-gu wuxuu iila muuqdaa mid ka mid ah qabyooyinka ciidanka booliska kuwooda ugu mudan ee ay tahay in wax laga qabto. Sidaa darteed, waxa aan ku talin lahaa in booliska lagu soo dhaweeyo dunida Tiknoolajiga si ay ula saan-qaadaan cahdiga tiknoolajiga. 

IV.  Taliye-qaybeedyada iyo taliye saldhigyada Somaliland shan iyo tobankii sanno ee ugu dambeeyay wax is-beddel ah lagu ma samayn, waxaana muddooyinkaa Somaliland u soo baxayay saraakiil da’yar oo aqoon leh oo ka firfircoon kuwan hadda shaqeeya ee hawl-gabka ah ama ku dhaw. Sida oo kale baadheyaasha oo ah barta sartu ka qudhantay in iyagana la dhaqan celiyaa waa wanaagsanaan lahayd. In fursad la siiyo dhallinyarta cusub fakerkayga qayb libaax ayay ka qaadan kartaa horumarinta ciidanka.

IV.   Haweenka booliska ku jira hoggaanku uma hagar-bixin. Gaar ahaanna Saraakiisha sarsare ee hoggaanka haweenka. Dhiiri-gelintoodu shaqada ciidanka way qurxinaysaa iyagana in aad wakhti siisaa way habboonnayd.

V.    Saldhigyada ciidanku dhisme ahaan dib-u-habayn ayay u baahan yihiin, waana in dhiska iyo cimilo goobeedda la isku jaan-gooyo.  Tusaale; Saldhigga ciidanka ee Kala-baydh ama Yufle iyo kan Berbera in ay isku qaab u dhisnaadaan sax ma aha. Sababtuna waa in aanay cimilo ahaan degmooyinkaasi isku dhaweyn. Geesta kale saldhigyada qaar baa  ballaadhin u baahan tusaale aan u soo qaato saldhigga New Hargeysa dhisme ahaan waa guri aan shan makhsin ka badnayn waxaana luugu talo galay in uu u adeego shacab aan ku male-awaali karo 150.000. 

VI. Mudane Taliye waxa aan kugu bogaadinayaa tallaabooyinkii aad ka qaadday dhawr arrimood oo ku aaddanaa tacaddiyo shakhsiyaad ciidanka booliska ka mid ahi u geysteen shacab, kuwaas oo naf iyo maal ba iskugu jiray. Sidii aad dhacdooyinkaa uga falcelisay shacabku way ku diirsadeen waanay kugu hambalyeeyeen, go’aannada kuwan la jaadka ahi waxa ay ciidanka ku soo celinayaan xayn-daabka xeerka, booliskuna indhawaale uu dabar-furtay. Sidaa darteed in sii waddo ayaan kugu boorin lahaa. 

VII.   Maan-dooriyuhu bulshada wuxuu ku hayaa faro-baas. Gaar ahaanna, khamriga iyo xashiishka oo goobihii waxbarashada carruurteenna ugu tagay, waxa aanay shaqadaasi ahayd kuwa ciidanku ka gaabiyay. In ahmiyad weyn la siiyo hawshaasi oo ay shaqooyinka ugu mudan ee booliska ka mid noqoto daruuri ayay xilligan ila tahay. 

VIII.   Tirada ciidanka saldhigga ka hawl-gala iyo tirada bulshada degmada ku nooli meelo badan fakaag weyn baa u dhaxeeya in la is waafajiyo na waan ku talin lahaa. 

IX.   Kursigaagu maaha mid siyaasi ah in axsaabta qaranku kuu sinnaadaan inta karaanka ah iskuna daydo in aad Qarannimo ka shaqayso halkii aad xisbinimo ka shaqayn lahayd. In aad caddaalad samaysaana waa dariiqa ugu dhaw ee aad ku heli karto xurmo shacab iyo xus taariikheed, mana jiro yool qof hiigsado oo kan sarreeya. 

X.   Wasiirrada, maayarrada, guddoomiyeyaasha, maareeyeyaasha iyo agaasimeyaashu ciidanka booliska ma amraan haddii ciidanka ay ku qasbaan in cid la soo xidho, iyaga oo aan sharciga soo marin taasi waa midka mid ah arrimaha sharaf riday ciidanka inta ogaalkayga ah. Iyadana in aad feejigteeda lahaataa way ila quman tahay. 

XI.   Jacaylka Shilinku waa wadka gobonnimada shaqada wanaagsan. Iyana waxa aan Alle kaaga tuugayaa in uu kaa samato-baxsho, adna inta aad ka fogaan karto ka durug.  

XII.   Booliska iyo shirkadaha rayidka ee socdaallada ka ganacsada oo mar aan wax ka qorayay tiradoodu (17) gaadhaysay iina sheegay in aan booliska xidhiidh ka dhaxayn in si maalinle ah ay booliska ugu war-geliyaan tirada dadka ay qaadeen, meelaha ay geeyeen iyo magacyadooda waa mid ka mid ah shaqooyinka ciidanka. 

XIII.  Tuugta tilifoonnada dhacdaa waxa ay ku badan yihiin goobo cayiman oo la yaqaan, in markaa ciidan kor joogto ah lagu qoro meelahaas si shacabka hantidooda loo badbaadiyo, tallaabo adagna looga qaado caadaystayaasha dambigani waxa ay iila eg tahay lama-huraan. 

XIV.  Dhismaha xafiiska xidhiidhka bulshada iyo warbaahinta ee ciidanka boolisku waa hilinka ugu toosan ee lagu hagaajin karo is fahanka shacabka iyo booliska. Qof ahaanna waxa aan rumaysnahay in aan boolisku marna ba warbaahinta dawliga ah iyo tan rayidka ah midkood na aanay si wanaagsan u isticmaalin. Farriimaha ciidanku warbaahinta mariyaanna duluc abbaar uma badna. In siyaasad cad oo warbaahineed ciidanku yagleelaana goortan karaarinta shaqada ciidanka booliska qayb libaax ayay ka ciyaari kartaa. 

XV.   Dhiiri-gelinta, kor u qaadista aqoonta iyo xirfadda, qiimeynta iyo la xisaabtanka ciidanku in ay is barbar socdaan ayaa lagu gaadhi karaa YOOLKA ah dhismaha ciidan wanaagsan oo shacabka adeeg hagaagsan u qabta. 

XVI.   Carruurta ciidanka booliska waxbarashadooda xataa dugsiyada gaar ka loo leeyahay in ay ugu yaraan qiimo dhimis 40% ah ka helaan waa wax sahlan oo lagu qancin karo maamulka iyo mulkiileyaasha goobaha waxbarashada. Sida oo kale adeegyada caafimaadka ayaa iyagana la mid ah. 

XVII. Mushaharaadka ciidanka in la kordhiyo si ay shaqo wanaagsan u qabtaan Madaxweynaha ku qanci hadba intii suurto gal ah. 

FG: Waxa jira talooyin aan ka maagay in aan bartan kugu la wadaago haddii ALLE yidhaa waxa aan isku dayi in aan xafiiskaaga si gaar ah ugu soo hagaajiya. 

XIDHIIDHADA 

☆ E-mail: Somailand_author@yahoo.com

☆ Twitter: @Athornasser 

☆ Whats app : +252634034688

☆ Instagram: Authornasser

MAHAD ALLE.

Advertisement

Ku Xayeysiiso