Jan 2020
Kala duwanaanta dhinaca fikirka Somaliland iyo Soomaaliya
Wada-hadal kasta oo dhexmara Somaliland iyo Soomaaliya,ma noqonayo mid midho dhal ah,sababtoo ah waxaa jira kala duwanaansho aad u weyn oo ku saabsan,sida loo wada-hadlayo iyo cida wada hadlaysa.
Qaybahan dambe waxan idiiinku soo bandhigayaa kala duwanaanshaha labada dhinac Somaliland iyo Soomaaliya iyo sida dhinac waliba u fekerayo amase Kala fogaanshaha labada dhinac ee ku saabsan waxa ay kala aaminsan yihiin,taas ayaana markasta masuul ka ah, in ay socon waayaan wada-hadalku amase in wax guul iyo horumar ah laga gaadhi waayo wada-hadalka Somaliland iyo Soomaaliya.
Qaybtan waxaynu eegaynaa kala duwanaanta,cida wada-hadalaysa amase qaybaha wada hadlaya,iyo sida laba dhinac mid waliba u fekerayso oo ah sidan:-
Somaliland:-
Somaliland waxay aaminsan tahay,doonaysaa in loo wada hadlo ,laba Dowladood oo siman , midna xoriyada ka qaadatay Gumaystihii Ingiriisk 26 Juun 1960 midna xoriyada ka qaatay Gumaystihii Talyaaniga 01 July 1960, ka dibna midoobay midoobay 1 July 1960.
Soomaaliya:-
Soomaaliya waxay aaminsan tahay in loo wada hadlo Gobolo cadhaysan iyo Dowlada Federaalka Soomaaliya.Dowlada Soomaaliya waxay u aragtaa wada hadalka Somaliland iyo Soomaaliya,— “Dowlada federaalka ah iyo Dowlad Goboleed cadhaysan oo wada hadlaya.Guud haan Soomaaliya waxay u aragtaa waxa ka dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya arin u gaar ah arimaha gudaha ee Soomaaliya.Iwm
Arimahaa iyo qaar kale oo badan ,oo aan idiinku soo gudbin doono qaybaha dambe,waa sababta keentay in wada hadalka Somaliland iyo Soomaaliya uu dhinacna u socon waayo.
ALLAA. M A H A D L E H
Amb. Abdi M.Saleiman(Mingiste)
abdi_saleiman@hotmail.com
fb. Abdi Saleiman
—- la soco qaybt 5aad ( Sida laba dhinac u arkaan raali gelinta wixii dhacay)