WHO oo Cudurka ka dillaacay Shiinaha u aqoonsatay xaalad deg-deg ah

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa Caabuqa ka dillaacay Shiinaha (Coronavirus) u aqoonsatay xaalad deg-dedeg ah oo Caalami ah, kadib kulamo iyo baadhis ay sameysay Hay’adda.

Tedros Adhanom, oo ah Madaxa Caafimaadka WHO ayaa sheegay in sababta xaaladda deg-degga  ah loogu dhawaaqay aysan ahayn Shiinaha oo kaliya, balse ay tahay sida uu ugu sii faafayo Caalamka intiisa kale.

Dadka u dhintay Cudurka Shiinaha ayaa hadda gaaray 170 Qof, waxaana walaac laga qabaa in uu saameeyo Dalalka aan awoodda u lahayn in ay ka hortagaan ama aan haysan adeeg caafimaad oo tayeysan.

Warbixinta Hay’adda ayaa sheegeysa in ku dhowaad 100 kiis oo la xidhiidha cudurka laga helay 18 Waddan, inkastoo Dalalkaas aan dhimasho laga soo sheegin.

Magaalada Wuhan ayaa go’doosan, iyada oo Dowladda Shiinaha kordhisay adeegyada xagga Caafimaadka ah ee loo fidinayo Dadka laga helay calaamadaha cudurka coronavirus.

Dalka Shiinaha oo keliya dhimashada ayaa haatan gaadheyso  213 Qof, waxaana Kiiska laga helay Dad gaadhaya 9.672, halka Waddamada uu ku faafayna ay gaadhayaan 18 Dal, waloow ay jirto baqdin ah in uu sii baaho.

Advertisement

Ku Xayeysiiso