Gudoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa Habeenimadii Xalay Casho-sharaf u sameeyay, dhakhaatiir u dhashay waddanka Taiwan, kuwaas oo socdaal shaqo u jooga Somaliland.
Munaasibaddan casho-sharafta ah ayaa waxaa ka soo qeyb-galay, Dhakhaatiirtan iyo Hogaankoodii, waxaanay u mahad-naqeen Gudoomiye Faysal oo ay uga mahad-naqeen sida uu u sharfay.
Dhakhaatiirtan oo u dhashay Waddanka Taiwan, ayaa todobaad-kii hore soo gaadhay Magaalada Hargaysa ee caasimaddan Somaliland.
Waxaanay adeeg-yo caafimaad ka fuliyeen deegaano ka tirsan Somaliland, iyagoo Dhawaan dib ugu noqon-doona Waddankoodi.
Gudoomiye Faysal ayaa qeyb ka ahaa Imaanshiyaha Dhakhtaatiirtan, mana aha markii kowaad ee dhakhaatiirtani ay yimaadaan Somaliland, balse sidan oo kale ayay sannad-kii 2007kii, ay u yimaadeen Somaliland.