Madaxweynihii hore ee Kenya Daniel Moi oo geeriyooday.


Madaxweynihii hore ee Kenya Daniel Moi ayaa xalay ku geeriyooday isbitaal ku yaala Nairobi halkaasi oo lagu daaweynayay.

Dhimashadiisa ayaa waxaa xaqiijiyay xog-hayihiisii warbaahinta Lee Njiru waxa uuna dhintay isaga oo 95 jir ah.

Madaxweynaha Kenya ee haatan talada haya Uhura Kenyatta aya isaguna fariinta tacsida la wadaagay shacabka reee Kenya.

“Waa muruga iyo walaac qota dheer ku dhawaaqista dhimashada nin ku weyn Africa  H.E. Daniel Toroitich arap Moi, Madaxweynihii labaad ee Jamhuuriyada Kenya oo ku geeriyooday isbitaalka Nairobi subaxnimadii hore ee 4 February, 2020”

Sidaasi waxa ydhri Madaxweynaha Kenya Uhura Kenyatta oo ka tacsiyeynayay geerida Madaxweyne Moi,

Moi waxa uu Madaxweyne ka noqday Kenya 24 sano ka hor waxaana xilka kala wareegay Mwai Kibaki 2002-dii, waxa uuna xilka Madaxweyne qabtay 1978 markii uu dhintay Madaxweynihii ugu horeeyay ee Kenya Jomo Kenyatta.

Advertisement

Ku Xayeysiiso