Wasaaradda Gaadiidka Iyo Horumarinta Jidadka Somaliland Ayaa Mamnuucday Ka Ganacsiga Gaadiika Dab-Damiska

 

Hargaysa (THN) Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka JSL ayaa soo saaray Wareegto Wasiir oo uu ku mamnuucday ka ganacsiga Gaadiidka loo adeegsado bakhtiinta dabka, wasiirka oo soo xiganaaya talo soo jeedin uu u soo gudbiyey Taliyaha Ciidanka La Dagaalanka Dabku, ayaa sheegay in cidii u baahan soo dejinta gaadiidkaasi ogolaasho ka soo qaadato Talaiska Ciidankaasi, laga bilaabo taariikhda wareegtadu soo baxday, waxaa sidaa lagu sheegay wareegto ka soo baxaday xafiiska wasiirka oo u dhignayad sidan.:-

 

Ku:Dhamaan Ganacsatadda  Macradada Gaadiidka                                =Hargeysa=

Ku: Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Iyo Wacyigelinta                             =Hargeysa=

Ku: Wasiirka W.Horumarinta Maaliyadda                                                        =Hargeysa=

OG: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha                                               =Hargeysa= 

OG :Wasiirka W.Ganacsiga, Warshaddaha & Dalxiiska                               =Hargeysa= 

OG: Taliyaha Ciidanka Dab-Demiska                                                             =Hargeysa=

OG: Madaxweynaha J.S.L                                                                                          = Hargeysa

 

 

Ujeedo; Gaadiidka Dab-Demiska

 

 

 

MARKAAN ARKAY: 

Qodobada 20aad iyo42aad ee Xeerka Wadamarista Gaadiidka (Xeer L/r 56/2013);

 

 

 

MARKAN ARKAY:

Qodobka 25aadFaqradiisa 8aad ee Xeernidaamiyaha Dhismaha Wasaaradaha iyo Hayadaha Xukuumada(Xeer L/r 01/2018) oo tilmaamaya Wasaarada Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadku in ay maamusho adeegyada isu socodka dadka iyo alaabta, isla markaana xaqiijiso isku gudubka badeecadaha iyo adeeggyada xamuulka ee wadanka.

 

 

 

MARKAN HLAY:

talo soo jeedin Taliyaha Ciidanka Dab-Demiska Qaranka  ee hakinta  soo dejinta & ka ganacsiga Gaadiidka Dab-demiska ah ee dalka la keeno.

 

 

 

 

 

 

 

WAXAN SOO SAARAY WAREETADAN

 

1.     In Gaadiidka Dab-Demiska laga mamnuucay in laga ganacsado guud ahaan Dalka Jamhuuriyadda laga 4th April 2020,

2.   Cid kasta oo u baahan soo dajinta Gaadiidka Dab-Demiska waa inay ogolaansho ka haystaan Taliska Guud ee Ciidanka Dab-damiska laga bilaabo taariikhda wareegtadan soo baxday.

 

 

 

 

 

Alla Mahad Leh

 

 

C/laahi Abokor Cismaan

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka & Horumarinta Jidadka

 

 


 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

                          

Advertisement

Ku Xayeysiiso