Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo la hadlay Warbaahinta ku hadasha Afka Dowladda waxa uu sharaxay ciidamo katirsan Dowladda oo maalmihii lasoo dhaafay loo daad-gureynayay Gobolka Gedo.
Hadal heyn ayaa ka dhashay ciidamada Dowladda ee la geeyay Gobolka Gedo, waxaana maamullka Jubbaland uu sheegay in Ciidamadaas sababta loo geeyay Gobolkaas ay tahay in colaad laga abuuro.
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa Sababta Ciidamada loo qaaday ku sheegay in difaaca dalka ay qayb ka noqonayaan, isla markaana ay fuliyanayaan waajibaadka saaran sida uu hadalka u dhigay.
Waxa uu tilmaamay in aysan dhibaato abuur ahayn ciidamada Dowladda ee loo qorsheeyay in la geeyo Gobolada Dalka si ay u sugaan ammanka dalka iyo la socodka Xuduudaha.
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa intaa ku daray in Dowladda Federaalka ay ogolaanshiyo dastuur u heysto ciidamada la geynayo guud ahaan dalka, maadaama mas’uuliyadda dalka ay saaran tahay.
Ciidamada laga qaaday Magaalada Muqdisho ee la geeyay degmooyin katirsan Gobolka Gedo waxa uu shaaciyay in ay yihiin Militari, kana war hayaan Wasaaradda iyo Saraakiisha Ciidamada ee shaqada ku leh.
Mas’uuliyiin katirsan Dowlad Goboleedka Jubbaland iyo Xildhibaanada Golaha Shacabka ee kasoo jeeda Deegaanada Maamulkaas, waxa ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyeen in daabulidda Ciidamada ay ku dooneyso duulaan ay ku qaadaan Ciidamada Jubbaland. sida ay hadalka u dhigeen.