Israel oo Falastiiniyiinta Ka Mamnuucday Dhoofinta Dalaga Beeraha Lasii Mariyo Urdun Loona iibgeeyo Caalamka.

Wasiirka Beeraha ee Falastiin Riyaad Al-Atari ayaa sheegay in Israa’iil ay sii kordhisay dagaalka dhinaca ganacsi ee ay kula jirto Falastiiniyiinta iyadoo doonaysa inay ka hor istaagto dalaga beeraha ee ay Falastiin ka gudbiso dalka Lubnaan una iibgeyso caalamka.

Arrintan ayaa u muuqata mid sii hurinaysa dagaalka ka dhex taagan Israa’iil iyo Maamulka Falastiin oo noqday mid dhamaad lahayn, iyada oo muranka dhinaca ganacsigu uu soo billowday bishii Oktoobar balse uu cirka isku sii shareeray usbuucii la soo dhaafay.

Al-Atari wasiirka ganacsiga Falastiin wuxuu yidhi, ” Israa’iil ayaa ayaa ku wargalisay dhammaan beeralayda Falastiin in la mamnuucay dhoofinta dalaga beeraha ee ka tallaaba dalka Urdun isla markaana u gudba suuqyada caalamiga ah.

Advertisement

Ku Xayeysiiso