Labadii toddobaad ee ugu horreeyay sannadka 2020, kooxda hubaysan ee al-Shabab ayaa shan weerar ka fulisay Kenya, halkaas oo ay ku dileen in ka badan tobaneeyo qof.
Bishii Janaayo 2, kooxdu waxay weerartay bas ku yaal gobolka Lamu oo u dhow xudduudda Soomaaliya, halkaas oo ay ku dhinteen saddex qof. Saddex maalmood ka dib, mar kale gobolka Lamu, weerar al-Shabab ku qaadday saldhig militari ayaa lagu dilay saddex Mareykan ah.
Bishii Janaayo 7-deedii, kooxdu waxay weerartay dugsi hoose oo ku yaal magaalada Gaarisa una dhow xudduudda Soomaaliya, halkaas oo ay ku dileen afar arday iyo macallin. Saddex maalmood ka dib, waxay weerartay saldhig boolis oo ku yaal aagga Olla, ee gobolka Mandheera
Awooda Al-Shabab ee sii kordheysa weerarada argagixisada ee Kenya iyo Soomaaliya labadaba waxay cadeyneysaa in aaney jirin siyaasad lagaga hortaga argagixisada ee
Alshabaab awoododa gobolka ee ku tiirsan awooda militari aysan shaqeyneyn. Si loo soo afjaro weerarada dilaaga ah ee kooxda, ee ka dhaca Kenya, Soomaaliya, iyo meelo kale oo gobolka ka tirsan, mas’uuliyiinta gobolka ayaa si deg deg ah ugu baahan isbadal istiraatiijiyadeed