Mas’uuliyiinta Sucuudiga waxay caddeeyeen in dadka heysta fiisooyinka shaqada, , fiisada ganacsiga iyo fiisada booqashada qoyska ay ka reebban yihiin xayiraadaha safarka ee Boqortooyada ay ku soo rogtay Khamiista.
Bayaan ay soo saartay shirkadda diyaaradaha ee Sacuudi Carabiya ayaa lagu sheegay in shirkadda diyaaradaha ee qaranka ay amarro ka heshay maamulada ay quseyso arrintan. Dhammaan dadka haysta fiisaha kor ku xusan ayaa loo oggolaan doonaa inay galaan Boqortooyada illaa ogeysiis dheeri ah.
Dhanka kale, Agaasinka Guud ee Baasaboorada (Jawazat) wuxuu cadeeyay in dadka heysta dib u soo celinta fiisooyin badan, oo ka tagay Boqortooyada, ay dib u soo celin karaan dalka hadii ay soo booqan waayaan dalalkii uu saameeyay Coronavirus-ka cusub intii lagu gudajiray laba toddobaad kahor. imaatinkooda Boqortooyada.