Xidhiidhka Bangiga Aduunka iyo Soomaaliya oo soo wanaagsanaaday

Guddiga fullinta ee Bangiga Adduunka ayaa sheegay inay qaadeen tallaabo lagu soo celinayo xidhiidhkii maaliyadeed ee kala dhaxeeyay Dowladda Federaalka ee Soomaaliya muddo soddon sano kadib ah.

Baanka Adduunka ayaa sheegay in tani ay fursad u tahay Soomaaliya oo ay heli doontaa maalgelin ay ka hesho sanduqa horumarinta caalamka ee bangigaasi.

Arrintan ayuu bangiga sidoo kale sheegay in Soomaaliya ay u sahleyso inay si dhaw ula shaqeeyaan dhammaan laamaha kala duwan ee uu ka kooban yahay, si ay usoo jiitaan maalgashi Soomaaliya ka caawin kara dib u dhiska dalka iyo xasiloonida.

Go’aanka guddiga fullinta Bangiga Adduunka ayaa la sheegay in uu ku saleysan yahay dedaalo dhanka siyaasadda maaliyadda, arrimaha bulshada iyo dib u habeyn dhaqaale oo ay sameysay Dowladda Soomaaliya sanadihii la soo dhaafay.

Go’aanka Bangiga Adduunka ayaa Soomaaliya waxaa uu u yahay mid muhiim ah, wuxuuna horseedi doonaa in Soomaaliya ay hesho mashaariic lagu horumarinayo kaabayaahsa dhaqaalaha.

“Bangiga Adduunka wuxuu door muhiim ah ka qaatay in Soomaaliya ay soo gaarto halka ay maanta taagan tahay, waxayna sanduuqa bangigaasi ee horumarinta ay ka heleen lacag dhan 250 milyan oo dollar oo qeyb ka ah qorshaha deyn cafinta Soomaaliya, ayna sii xoojin doonta horumarka dalka uu ka gaadhay bixinta adeegyada asaasiga ah,” ayuu sheegay Bangiga Aduunka.

Soomaaliya ayaa markii hore ku tiirsaneyd mashaariicda ay maalgeliyaan dalalka Denmark, Midowga Yurub, Finland, Talyaaniga, Norway, Sweden, Switzerland, UK iyo Mareykanka, balse hadda waxaa muuqata in haddii uu hirgalo qorshaha deyn cafinta uu culeys dhaqaale ka qaadi doono Soomaaliya, uuna horseedi doono fursado maalgashi.

    

Advertisement

Ku Xayeysiiso