Wararka laga helayo magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug ayaa waxaa ay sheegayaan in goor dhaw wuu halkaasi ka bilaawdey dagaal u dhaxeeya ciidanka dawladda iyo kuwa Ahlusunna.
Dagaalka ayaa waxaa uu ka socdaa aaga xarunta Inji ee hoyga u ah madaxda Ahlusunna, waxaana goobjoogayaal ku sugan Dhuusamareeb ay sheegeen in mar qura jawiga Magaalada uu si bedelay mararka qaarna la maqlayo jug culus.
Xaalad kacsanaan ah ayaa laga soo sheegayaa magaalada Dhuusamareeb waxaana aaga dagaalka uu ka socdo ee xarunta Inji iyo madaxtooyada Gamudug ay saakay ilaa xalay ka barakaceen dadkii shacabka ahaa ee daganaa.
Xalay ayay ahayd markii agagaarka xarunta Inji oo ay daganyihiin madaxda Ahlusunna uu dagaal ku dhexmaray ciidanka dawladda iyo kuwa Ahlusunna kaas oo uu ku geeriyooday askari ka tirsan dawladda laba ruux oo shacab ahna ay ku dhaawacmeen.
In badan oo kamid ah hoogaamiyeyaasha Soomaaliyeed iyo beesha caalamka ayaa intii mudo ahba ka digayay dhaqdhaqaaqyada ciidan iyo ciidamada ay xukuumadda federaalka ku daabulaysay gobollada kala duwan ee dalka waana arrinka huriyay colaadan ka soo cusboonaatay Galmudug.