FOOL HALAWGA SIYAASADA SOMALILAND IYO  FUDEYDKA MADAXWAYNE BIIXI !!!

FOOL HALAWGA SIYAASADA SOMALILAND IYO  FUDEYDKA MADAXWAYNE BIIXI !!!

Madaxwaynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu kula Kulmay magaalada Addis-Ababa  dalka Ethiopia Madaxwaynaha Somalia ee Maxamed Cabdilaahi Farmaajo , sida wararka xog-ogaalka aanu ka xaqiiqsanay waxa ay galeen kulan qaatay 45 daqiiqo oo wax badan lagaga wada hadlay.

Madaxwaynuhu inoomuu sheegin waxa intaasi oo dhan laga wada hadlayey , isla markaana ma jiraan goleyaal u yeedhi kara oo odhanaya bal ka waran safarkii iyo maxaa ka soo qabsoomay , halkaasi dadka Somaliland way ku dulman yihiin oo meteladoodii ma shaqeynayso cidii ka wakiilka ahaydna shaqadeedii ma haysato .

Dadka qaar baa u fahmaya in kalsooni daro laga qabo Madaxwaynaha hadii arimahani la is weydiiyo , ujeedadu sidaa maaha,  Madaxwaynuhu waa lagu kalsoon yahay,  masuuliyada uu qaranka u hayona isaga ayaa loo doortay waana lagu ixtiraamayaa,  ha yeeshee arimaha noocan ahi waxa ay u baahan yahay wadatashi iyo kala warqaadasho waxii halkaasi ka soo baxay.

Garaadkaygu waxa uu isiinayaa marka aan hadalkiisii naqdiyo uu ka jeediyey goleyaasha qaranka,  Madaxwaynuhu waxa uu inoo sheegay in aanay farmaajo in la wada hadlo mooyaane wax kale aanay ka wada hadal , hadana hadalkiisa marka uu raaligalinta iyo garowshiiyaha Farmaajo inoo sheegayey waxa uu ina yidhi dadka intii saluugtayeey inaga oo kaliya la inalama hadlayn ee caalamka ayaa lala hadlayey , taasi waxa ay kuu cadeynaysaa in uu wadahadalka ku jiray garowshuhu isla markaana ay jiraan wax badan oo kale oo laga wada hadlay.

Hadii aynu dhinaca kale ka eegno waa laba mid uun in Somaliland aqoonsigeegii kaabiga ina soo saaray oo uu jiro fool halow iyo ta labaad oo ah in uu jiro fudeyd siyaasadeed oo uu leeyahay Madaxwaynaha Jamhuriyada Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi oo khatar ku keeni kara masiirka dalka iyo dadka Somaliland. 

Dawlada Ethiopia iyo Raisal wasaare Abiy Ahmed wuu ku mahadsan yahay in uu arimaha #Somaliland iyo #Somalia sidaa u danaynayo , ha yeeshee muu siinin fursado isku mid ah labada dhinac , oo in badan ayey Madaxwaynaha Somalia kulano kala duwan yeesheen wakhti badan isku heleen oo uu xataa Muqdisho ka dagay , waxa ay ahayd in uu intaasi in leeg Somaliland siiyo si uu u gali karo dhex-dhexaadin cadaaladeed .

Fursad bay u ahayd in uu arimaha Somaliland iyo Somalia galo isla markaana libinta xalinta arinkaasi uu yeesho maadaama oo uu yahay shaqsi wax badan u hirgaleen oo go’aano adag ka qaatay arimo badan , oo maanta caalamka oo dhami indhaha ku hayaan loona arko shaqsi dedaalkiisa iyo ku dhaca go’aan qaadashadiisu tahay mid la yaab ku noqotay in badan oo aduunka ka mid ah .

Maantana waa arin u taalla dawlada Ethiopia iyo Dawlada Djibouti iyo waliba dalka Kenya in ay arimahani galaan si gobolkani uga baxo colaadaha,  qoqob naanta iyo dawlad la’aanta koonfurta Somalia ka jirta oo ay Somaliland na fursad ugu hesho ay wax badan kula qabato Somalia maadaama aanay jirin cid uga dhow ugana lexo-jeclo badan in Koonfur Somalia dawlad hesho oo nabadgalyo hesho .

Xiligani aynu ku jirno oo caalamku guud ahaan Geeska Africa iyo Marin biyoodka bada casba aad isha loogu hayo aadna dalalka dunida ku dul doobya oo dhami u danaynayaan arimaha Gobolka , suuragalna ay tahay in isbadelo siyaasadeed oo aan la filaynin ka dhacaan guud ahaan Bariga Africa , waxa la eegayaa bal cidda qaadata libinta xalka dalkii la isku odhan jiray Jamhuriyada Somalia ee maanta kala ah dalalka Jamhuriyada Somaliland iyo Jamhuriyada Federalka Somalia oo mudo 30 sano wax yari ka dhiman yihiin aan dhinacna u kala dhicin.

Labada hogaamiye ee laga fili karo in ay arinkaasi wax ka qaban karaan waa Madaxwaynaha Djibouti mudane Ismail omer Ghule oo in badan madaxwayne ka ah Djibouti isla markaana xog-ogaal u ah arimaha guud ahaan Somalida iyo Raisal wasaaraha da’da yar ee dalka Ethiopia Dr Abiy Ahmed Ali oo isagu sameeyey isku daygii u horeeyey walow qaabka uu u waday aanu u ekaan qaab dhex-dhexaadnimo iyo odayeyn , sababta oo ah waxa ay ahayd in uu isagu horta Somaliland yimaado kalsooni buuxda shicib iyo dawlad ba la siiyo dabadeedna halkaa wax laga sii bilaabo.

Midna yaan la isku qaldin dambiyadii dagaalka ee Somaliland dadkeeda ku dhacay iyo xasuuqyadii iyo waxii dhibaato dhacday waa arin gaar ah oo ay tahay in laga xisaabtamo,  Somaliland iyo qadiyada dib ula soo noqoshada madax banaanideeduna waa mid gaar ah oo qawaaniin sharci ku fadhida , iyo dawladnimadii hore ee Somaliland 26 june 1960 kii , iyo rabitaankii shacbiga Somaliland kula soo noqdeen 18 may 1991.

Muxamed Dhimbiil

Advertisement

Ku Xayeysiiso