Turkiga ayaa rajeynaya inuu heshiis cusub la gaaro Yurub si uu ula macaamilo qaxootiga waqtiga la qabanayo shir madaxeedka xiga ee EU, Wasiirka Arimaha Dibada Mevlut Cavusoglu ayaa yiri Talaadadii

Turkiga ayaa rajeynaya inuu heshiis cusub la gaaro Yurub si uu ula macaamilo qaxootiga waqtiga la qabanayo shir madaxeedka xiga ee EU, Wasiirka Arimaha Dibada Mevlut Cavusoglu ayaa yiri Talaadadii.

Cavusoglu ayaa yiri “Haddii aan heshiis gaarno illaa iyo bisha Maarso 26 markaasoo uu jiri doono shir madaxeedka EU-da, arrintaani waxay ku imaan doontaa ajendaha shirkan,” ayuu yiri Cavusoglu.

“Waxaan diyaar u nahay shaqo wax dhisid ah,” ayuu raaciyay.

Wuxuu hadlay maalin un kadib markii madaxweyne Recep Tayyip Erdogan uu wadahadalo adag la yeeshay madaxweynayaasha EU Ursula von der Leyen iyo Charles Michel magaalada Brussels.

Go’aanka Turkiga dhamaadkii Febraayo ee dib loogu furay xuduuda uu u leeyahay qaxootiga doonaya inay gaaraan Yurub ayaa horseeday isku dhac uu la galay Brussels, sidoo kale isbadal adag ayaa lala galay Giriiga.

Cavusoglu ayaa yidhi: “Haddii aan la nimaadno qorshe-hawleed midowga yurub, waxaan ka fileynaa inay noqdaan kuwa daacad ah.”

Advertisement

Ku Xayeysiiso