Madaxweyne Trump oo sheegay in uu Joojinaayo Deeqaha Mareykanku Siiyo WHO.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa warbixin uu kusoo daabacay bartiisa Twitterka wuxuu ku sheegay inuu go’aansaday hakinta tabarucaadka Dawladda Mareykanku ay siiso hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO.

Trump wuxuu si cad u weerarey ururka Caafimaadka Adduunka (WHO), isagoo ku eedeeyey Ururka WHO inuu u janjeedho dhinaca Shiinaha oo uu kasii jeestay xaaladaha cafimaad ee la xidhiidha CronaVirus ee ka jira gudaha dalkaasi Maraykanka waa sida uu hadalka u dhigay madaxweyne Trump.

Hadalkan Madaxweyne Trump wuxuu ku soo beegmayaa xilli hay’adda caafimaadka adduunka WHO ay doonayso inay caalamka ka uruuriso lacag malaayiin dollar ah si loo xoojiyo dadaallada lagula dagaallamayo cudurka dunida ku faafay ee CoronaVirus.

Madaxda sare ee Ururka Caafimaadka Aduunka WHO wax warbixin ah ama jawaab ah kama aysan soo saarin eedaha uu Madaxweynaha Maraykanku u jeediyay WHO, balse waxaa la rajaynayaa in saacada soo socda ay WHO soo saarto warbixin ay kaga jawaabayso hadalka Trump.

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso