Hogaamiyayaashii ugu caansanaa aduunka iyo wixii ay ka yidhaahdeen ‘wada-hadalka
Qaybtii 2aad’.
April 2020
Weli waxaan idiin socda ,hadaladii qiimaha lahaa ee qaar ka mida Siyaasiyiintii amase hogaamiyaashii ugu caansanaa amase ugu magaca weynaa Caalamkan aynu noolnahay iyo wixii ay ka yidhaahdeen wada -hadalka ,waxaana ka mid ahaa Hogaamiyayaashaas kuwan:-
James Baker – USA-Wasiir Arimaha Dibadda hore. Wuxuu yidhi“ mar la weydiiyey ,sababta Bariga dhexe xal waara looga gaadhi waayey ++++++Wuxuu ku jawaabay(waxa aan argagxisada u naaqo ,Carabtu waxay u taqaanaa- Xaq u dirir——-kuwa Carabtu u taqaan Xaq u diririka anaguna waxaanu u naqanaa argagixiso) ……Ilaa aanu isla fahano erayada Xaq u dirir. Iyo Argagixiso— xal waara laga gaadhi mayo Barriga dhexe”. Wadada keliya ee laysku fahmi karaana waa in la wado wada-hadalka,oo aan la joojin,taas uun baa xal waara lagu gaadhi karaa.
Shemon Peres- Israel Madaxweyne-Raysal Wasaare-Wasiir ka soo noqday :- Wuxuu yidhi—“Wada hadal kasta oo aad gelayso,wuxuu la mid yahay— adigoo koraya Buur aad u dheer, dadka wada hadlaya qolaba dhinac ayey ka koraysaa Buurta,ujeedadiinuna waa in aad soo qaadaan nabada Buurta dusheeda saaran—– waxa dhici karta in aad ka soo dhacdo Buurta adigoon gaadhin Buurta dusheeda oo ah halkii nabadu taalay ee aad ka soo qaadi lahayd.”. ‘ILLAHAY waxaan ka baryayaa in aynu noqono kuwa aakhirka soo qaada nabada.’
Anwar Sadad Madaxweynihii Masar:- Wuxuu yidhi“ Haddii nabad la helo oo la heshiino ,Lacagta faraha badan ee aynu Hubka wax dila ku soo iibsano—waxaynu ku horumarin karnaa baahida guud ee dadkeenu qabaan sida Waxbarashad—Beeraha—Caafimaadka —Biyaha –Wadooyinka IWM “
La soco qaybta dambe iyo wixii ka yidhaahdeen. Madaxweynayaashii Somaliland soo maray.
ALLAA. M A H A D L E H
Amb. Abdi M.Saleiman(Mingiste)
abdi_saleiman@hotmail.com
fb. Abdi Saleiman.
Twitter: @_saleiman.
Skype: abdisaleiman1