Axmed Ismaaciil Xuseen (Xudeydi) waxa uu ka baxay iinsaanka fanka jecel iyo inta nolosha u riyaaqda oo dhan, waxa uu ahaa mid ka mid ah shaqsiyadaha ugu hal-adeygsanaa Soomalida.

Xudeydii, 15 April 1928 ayuu ku dhashey magaalo xeebeydka Barbara, halkaasi oo Hooyadii fooshu ku qabatey iyada oo u sii jeeda magaalada Buuhoodle oo ay dhalasho ahaan ka soo jeedey kana timid magalada Cadan. toddobo maalmod ka dib dhalashadiisi waxa ay hooyadii dib ugu noqotey Cadan, halkaasi oo uu ka bilaabey geedigii Dheeraa ee nolashiisa.

sanad walba marka la gaadho xagaga Xudeydii iyo hooyadii waxa ay u soo boqooli jirin miyiga magalada Buuboodle, taasi oo siisey fursad uu ku barto dhaqanka iyo suuganta Soomalida, fakarkiisa iyo fahankiisana ka dhigtey mid aan ku koobneyn magaalo oo kaliya.

sida la sheego Xudeydii yaraantiisi waxa uu ahaa dadkan jeceyl fahka ( musical mind ) waxan la soo wariya in uu bilaabey isaga oo 18 jir ah.

Isaga oo ka sheekeyna sidii uu fanka ku bilaabey buu laha ” horaantii afartameeyadii ayaa magaalada Cadan waxa yimid Cabdilaahi Qarshe oo ahaa karaani u shaqeyn jirey guumeystaha, ahaana mid ka mid ah fananintii ugu horeyse, waxa uu u yimid magalada si uu riwaayada uga dhigo, dabadeed waxa loo bahdey cid durbaanka u tunta, aniga oo tumista durbaanka xoog u yaqaaney baa ley yeedhey sidaasibanan fursad ugu haley aan kaga ag dhawaado hibadeydii. Marka aan ag fadhiyo Abdilaahi qarshe waxan ahaa mid tab-taabta kamankiisa xiise aan u qabo tumistiisa darteed, markii uu I arkey in aan xoog u xiiseynayo ayuu igu yidhi ;” markii Hooyada iyo Aabaha dugsiga ku qorayen maxey ku iibiyen si aad wax u barato ?” waxan ku yidhi: ” Qalin iyo Buug bey ii ibiyen ” dabadeed waxa uu igu yidhi:” hadii aad rabto in aad barato soo iibso Riishada iyo Kaman, si malin walba casharka aan ku tuso aad ugu celcelisid ”

halkaasi baanu Xudeydii ka bilaabey bilowgii fahankiisa. Maxamed Cali Cabdi ( Nahaari) iyo Cabdi Xandule Shanle ( cabdi afweyne ) ayaan noqdey lamadii macalin ee ugu horeyey ee uu yeesho. inta ka dib Xudeydii waxa uu dhaxley oo uu noqdey Boqorka Cuudka Soomalida.

Bilowgii jiritaankiisaba waxa uu ahaa mid la kowsadey mashaqo iyo mahadhooyin nolaleed oo tiro badan, waxa uu noqdey hal-abuur, laxamiiste, fannaan iyo cuud-yahan cabqari ah bulsho u arkeysey fanku in uu yahay gaaleysiin.

Isaga iyo kooxdii uu ka midka ahaa waxa ay kala kulmeen bulshadooda, kacdoono iyo iska caabin aad u sareysa oo uu sabab u ahaa dabodana ka wadey guumeystihii reer galbeedka ee xilligaa wadanka ka talinayey.

Xudeydi, ma noqonin mid ay istaajiyaan caqabadaha nolosha ee bilowgiiba uu la kowsadey, balse waxa uu qeyb laxaadle ka qaatey halgankii xornimo-doonka, iyo iska tuurridii heeryadii gumeysiga galbeedka. Xornimada ka dib waxa uu ahaa mid dadaal badan u hurey sidii fanka Soomalida u noqon lahaa mid ka mid ah kuwan ugu wanaagsan dunida dareen ahaan.

Marka laga reebo tobaneeyihii sano ee ugu horeeyay noloshiisa, intii kale oo dhan waxa uu ahaa mid ku qaatey Hanuuninta iyo farxad galinta bulshadiisa, rubuc qarni in ka badan waxa uu ahaa mid la dareen ah bulshadiisa.

Isaga oo ka hadlaya heerka aadka u sareysa ee uu ka gaadhey cuudka ayaa waxa uu laha;” Waxan awoodaa in aan qanciyo quluubta iyo qalbiyada dhageystayaasha aniga oo isticmaalaya hal Cuud, aniga oo aan u baahneyn waxa kale oo leyga ag tumo, sidana waxa sameyn kara aniga oo kali ah. tumista cuudka iyo guud ahaan fanka oo dhan kama aan helin xoolo badan, kamana dhisan daaro balse waxan ka heley malaayiin dheggood oo i dhageysta iyo qalbiyo i dareema ”

Xudeydii, waxa uu alifey qaar ka mid ah laxamada iyo codadka ugu macan, kuwaasi oo ah kuwo aan dhimanin waligood. Raaxeeye iyo Riftood waa laba ka mid ah cododka qaraamiga kuwooda ugu macaan ee uu alifey Xudeeydi.

waxa kale oo uu alifideeda laha Heesta Dhalada, oo aheyd tii lagu saarey calanka markii leyska rogey heeradii guumeysiga, sanadkiina hal marbaa la saara.

waxa aan sinaba loo ilaabi doonin, qalbiyada iyo quluubta bulshadan aan ka bixi doonin heesta Uur Hooyo oo uu laha alifideeda, laxameynteeda iyo tumisteeda, halka uu codkana laha boqorkii codka tubeec. heesto Uur Hooyo mudo ka badan kontan sano ayey aheyd mid ay qaadanan jilal badani iskuna hadyeeyan kumanan walaalo ah oo waayaha nolashu kala fogeeyey.

heesta Uur Hooyo waxa uu u hadyeye walalkii oo askari ka ahaa Cadan, ugu dambeyn Xudeydii walalkii markii ay gaadhey heestani waxa uu isla markiiba uu yimid Jaabuuti oo uu ku sugna, halkaasibeyn ku kulmeyn walaalo nolashu kala fogeeyse.

Xudeydii, kaasi ayuu ahaa waxan Eebe u weydiineyna in uu u naxariisto, kana yeelo Janooyinkiisa waa weyn.

 waxa qorey: Mustafe Mahad Xuseen

email: mustafeindh@gmail.com 

Advertisement

Ku Xayeysiiso