“Shan Milyan oo dollar ayaa dowladu sheegtay in ay u qoondaysay la tacaalida cudurka Coronavirus, nasiib daro shalay Isbitaal Martiini waxaa daryeel xumo caafimaad ugu geeriyooday Wasiir Hirshabelle Khaliif Muumin kadib markii loo waayay oksijiin” Xil Mahad Salaad

Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan Baarlamaanka Dalkasi Somaliya ayaa ku eedeey xukuumada Farmaajo fashil dhinaca kahortaga iyo diyaar garawga Safmarka Cov19 Qoraal uu soo saaray Xildhibaanku ayaa u dhignaa sidatan:-

Shan Milyan oo dollar ayaa dowladu sheegtay in ay u qoondaysay la tacaalida cudurka Coronavirus. Lkn nasiib daro shalay Isbitaal Martiini waxaa daryeel xumo caafimaad ugu geeriyooday Wasiir Hirshabelle Khaliif Muumin kadib markii loo waayay oksijiin (oxygen) uu ku neefsado sida eheladiisa iyo siyaasiin qaraabo la ah marxuumka warbaahinta u sheegeen❗️

Haddaba su’aashu waxay tahay xagee la geeyay lacagtii loo qoondeeyay la tacaalida cudurkaan. Jeeb dad kale miyey gashay mise jidka ayay ku soo jirtaa. Hadiise mas’uul dowladeed daryeel xumo caafimaad ugu geeriyooday Isbitaalkii dowladu sheegtay diyaarintiisa in malaayiin dollar lagu bixiyay, makula tahay in daryeel caafimaad uu ka heli karo muwaadin danyar ah oo cidina dabo socon?!

Waxaan ugu baaqayaa madaxda dowlada in arintaan si degdeg ah wax uga qabtaan, dadkana aysan u loogin cudur iyo daryeel xumo wada jira, hadii kale dadka loo run sheego si dadkooda ay ula tacaalaan.

Hon. Mahad Salad

Advertisement

Ku Xayeysiiso