Kiisaska Coronavirus ee Sacuudi oo maraaya heerkii ugu sareeyey tan iyo markii laheley kiisaskii ugu horeeyey waxaney marayaan….

Kiisaska Coronavirus ee Sacuudi oo maraaya heerkii ugu sareeyey tan iyo markii laheley kiisaskii ugu horeeyey waxaney marayaan 7,1429

Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in 762 xaaladood oo cusub oo coronavirus ah 24-kii saac ee la soo dhaafay, taas oo tirada guud ee cudurrada ee Boqortooyada ah ka dhigaysa 7,142, afhayeenka Wasaaradda Caafimaadka ee dalka ayaa sheegay Jimcihii.

Af hayeenku wuxuu kaloo shaaca ka qaaday 59 soo kabasho oo cusub iyo afar kale oo dhimasha ah, isaga oo tirada guud ee soo kabashada iyo dhimashadii Boqortooyada ilaa iyo hadda ka dhigay 1,049 iyo 87 sida ay u kala horreeyaan.

Inta badan kiisaska cusub ee la ogaadey waxaa laga soo sheegey magaalada Makkah iyadoo ay ku jiraan 325 kiis halka Madiina ay haysatay 197.

Sawirada ay wasaaradu soo dhigtay barteeda warbaahinta bulshada goor hore oo jimcihi ah waxay muujinayeen qalab caafimaad oo shaqsiyeed ilaalin ah (PPE) oo guri guri ka jooga xaafadaha si loo hubiyo heerkulka dadka daggan iyo in la sameeyo baaritaano coronavirus ah.

Qiyaastii 50% kiisaska coronavirus-ka maanta ayaa laga helay xaafadaha dadku ku badan yahiin iyo xeryaha shaqaalaha shaqada.

Advertisement

Ku Xayeysiiso