Ganacsade Maxamed Aw-Siciid Geeddi Waxa uu Xanbaarsanaa Halaq Laba Af Leh
Markii uu sida lubbiga qaawanaa, uu laylka soconaayay
Haddii aan lingaxo oo aan qalbiga, lahasho diido maantaba
Lur ima gaadheene kal laxiiba, baan leeyahy iyo laabta xuunshade
- Maxamed Nuur Fadal
Allow u naxariiso Abwaan Maxamed Nuur Fadal oo ahaa mid ka mid ah abwaaniintii soo maray ummadda Somaliland kuwooda ugu mudnaa kaasi oo ka mid ahaa tiir dhexaadka looga dab qaato suugaan ku qotonta aragti dheeri iyo uga faa’iidaysi nolosha hadba wajiga ay ku tusto. Suugaantiisa iyo kuwa la midka ah ayaa ah ta kaliya ee ay ummadaasi uga xiddigin jirtay wax kasta oo noloshooda saamayn taban iyo mid toganba ku yeesha. Sida tuducyada kor ku xusan ee uu u unkay sida layaabka leh taasi oo qof kasta oo akhriyay Gabaygaas uu ugu Wan-qalay Abaal- Xumo uu ku sifeeyay nin uu Abaal badan u tirsanayay oo iska daa inuu wuxuun ku soo celiyee ka abaal dhacay taasi oo uu liqi kari waayay kana unkay gabaygaa layaabka leh. Cid kasta oo aan celin ama ka Abaal ka dhacda ciddii wax tartay waa loogu soo hal qabanayaa oo waxa uu gabaygani yahay tusaale nool laga soo bilaabo maalinkii uu abwaanku tiryay oo xilli fog oo ku siman afartamaadkii qarnigii tagay ahayd ilaa maanta oo qarnigii kale labatankiisii aynu madaxa la galnay.
Ganacsade Maxamed Aw-Siciid waxa uu ka mid yahay ganacsadayaasha ugu caansan Somalilnad waxa kale oo uu ka mid ahaa kuwii badhi taaray Madaxwayne Muuse Biixi xilliggii uu ka dhex halgamayay xisbiga Kulmiye oo ay soo waajahday caqabado badan oo uu doonayay inuu iskaga reebo niman badan oo doonayay inay xisbiga kula dhex loolamaan guddoomiyennimadda ka dib marka uu Siilaanyo ka fadhiisto kuwaas oo laga tilmaami karo Maxamed Biixi Yoonis iyo Cabdicasiis Samaale (Janno ka-bood). Mawjadahaas badan oo hafin karayay ama liqi lahaa ayuu Maxamed Aw-Siciid kala soo dabaashay Muuse Biixi.
Waxa aan diiradda saari doonaa arimo door ah oo labadooda ku sahabsan gaar ahaan arrinka uu ku badhi furay madaxweynuhu sharciggii uu u siiyay Golaha Wakiiladda ee Somaliland oo si indho isku qabsasho ah oo aan loo miidaan dayin u meel mariyay sharci ku lidi ah kii hore. Waxa ay tahay in la is waydiiyo halka arrinku salka ku hayo. Daaha dabadiisa ayuu Muuse ka hagayay tooriyayntan uu dhabarka ka tooriyeeyay Maxamed Aw-Siciid oo sharciyan haystay ruqsad 20 ama 25 sanno ah inuu lahaado xaqa keenista iyo fidinta adeega Internetka ee Somaliland. Waxay sidaa ahaataba Muuse ayaa ka dul keenay sharci kale oo uu marsaday Golaha Wakiiladda Somaliland oo aan ugu yeedho marka ay sidan oo kale dhacdo Golaha Dhaameelka ee Somaliland, sabatoo ah kamaa ay baaraan dagin si qoto dheer sharciyan tooriyantan Muuse uu Maxamed Aw-Siciid uu dhabarka ka tumaatiyay.
Haddaba is waydiintu waxa ay tahay laba su’aalood oo ka dhashay arrinkan kuwaasi oo kala ah:
1- Maxaa keenay inuu Muuse dhabarka ka tooriyeeyo ganacsade Maxamed Aw-Siciid? Oo waliba abaal badan ku lahaa ilaa guddoomiye nimaddii Kulmiye dhexdiisa oo uu godob badan u xanbaartay iyo markii danbe taageero dii badnayd ee uu huray si Muuse madaxwayne u noqdo.
2- Maxay tahay sabab ta Muuse u soo ciyaarsiiyay labada shirkadood ee Telesom iyo Somtel? Guux badan ayay waydeen inay mar uun saami ka helaan iyadoo ay tahay ganacsiga caadadiisa inuu tartan ka dhexeeyo dadka ganacsatada ah, meel kastoo adduunkan ah. Run ahaantii mana aha wax lala yaabo in uu Maxamed Aw-Siciid ka noqon waayo raali marnaba in shirkaddii Somcable loo sadqeeyo kuwo kale iyadoo aan wax dood macne leh oo golaha wakiiladdu ka yeesheen dhacdadaasi aanay jirin.
Macal cune muuqan doone, waxa iyaduna macquul ah in uu Muuse ku tashaday inuu laftiisu iyo cid uu wato ay saami ka helaan suuqan internetka, kadib marka ay Somtel iyo Telesom ku cidhiidhyaan suuqa shirkadii hore ugu jirtay ee Somcable iyadoo marka danbna lagu wado in qaybtu si isleeg noqoto oo shirkad waliba hesho Somcable 25%, Telesom 25%, Somtel 25% iyo waliba 25% soo hadhay oo ah ka uu Muuse isku wado. Ilaa hadda ma kala cadda arimuhu, Wakhtiga ayaa se kala cdayn oo wax waba banaanka soo dhigi doona.
Si kastaba ha ku soo dhamaato e` waxuun bay banaanka keeni doonta ceeb iyo abaal daro kale oo Muuse la daris noqota oo ina siisa sawirka dhabta ah ee Muuse Biixi Cabdi. Waxa ay dad badan oo inaga mid ahi u yaqaanaan Muuse Madaxweynaha Somaliland lakiin xaqiiqadiisa dhabta ahi waa inuu yahay shaari shaari siyaasadeed oo barbar ordaya ganacsatada dalka sida ina Aw-Siciid. Xogtani waxay ahayd mid ka dahsoonayd Shacabka iyo Maxamed Aw-siciid ba la ismalahayn suuqyada ganacsiga ayuu ku tartami doonaa Muuse marka uu fuulo kursiga.
Waxa kale oo iyana jirta in badhi furkan loo gaystay Somcable ay gacan ku leeyhiin Ismaaciil Cumar Geelle oo ah kaliigi taliyaha Jabuuti xoogga ku haysta.
Aan ku soo koobo e` Ganacsade Maxamed Aw-siciid waxa uu xanbaarsanaa halaq laba af leh. Waxa uu moodayay inuu sharaxayo mid ka mid ah raggii gobanimada Somaliland ka luntay 1960 soo ceshay, una qalma madaxweynenimo lakiin waxa soo baxay Halaqaas aan sheegnay oo marna Madaxweyne ah marna Ganacsade.
Allahayoow nin daacada, Allahayoow nin daalin ah deeqdaada ha u simin.
Allaa mahad leh
W/Q: Cabdi Muxumed