Degdeg: Dawlada Turkiga ayaa sheecisay in ay ku guulaysteen 100 kii mashiin ee kuwa neefta ah ee ugu horeeyey 5000 oo midhna ay soo saari doonaan dhamaanka April

Dowladda Turkiga ayaa ku guuleysatay qeybtii ugu horreysay ee mashiino 100 ah  kuwaas oo neefsada ka caawin doona dadka Covid 19 uu haleelay. Boqolkan mashiin ee kuwa neefsashada ah ayaa waxay gaadheeen cusbitaal cusub oo ku yaal Istanbul kaas oo dhawaan faraha laga qaaday qaadina doon tiradii ugu badnayn ee dadka waadh oolka ah.

Sida  laga soo xigtay Xukuumada Turkiga  ayaa waxay sheegtay in 5,000 oo mashiin oo kale ay soo saari doonaan dhamaadka Bisha April ee sanadkan oo ayaamo uun inaga xigto. Waxay intaasi warbixinta ku dareen marka la soo saaro in  loo diri doonaa dhammaan Cusbataalada dalka Turkiga  Turkiga si loogula tacaalo dadka ku neef qabatooba Caabuqa Covid 19.

Arintan ayaan noqonaysa mid horumar ah oo ay ku talaab satay dawlada Turkigu maadama oo wadamo badan oo reer galbeed ah aanay haynin mashiino ku filan oo kuwa neefta ah taas oo dadka badankoodu u geeriyoonayaan Neef Qabatinka.

Advertisement

Ku Xayeysiiso