Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda ayaa kulan u qabatay qaar ka mid ah agaasimayaasha guud ee wasaaradaha iyo Hay’adaha Dawladda kulankaas oo lagaga hadlayay hirgelinta barnaamijka electarooniga ee Dawladda ee (E-government).
Wasiirka wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyada C/weli Sheekh C/laahi Suufi ayaa sheegay in ay diyaariyeeen Mareeg ay ku kaydsan tahay xogta wasaaradaha iyo Laamaha Dawladda, taas oo fudaydinaysa in wasaaradaha iyo laamaha dawladda ee xogtooda laga raadiyo mareegtan cusub ah.
Agaasiamayaasha guud ee wasaaradaha Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyada Cali Cabdilaahi Daahir, Arrimaha Gudaha Cabdi Axmed Nuur (C/guray) oo u hadlay agaasimayaasha guud ee kulanka loo qabtay ayaa soo dhaweeyay Mareegtan cusub ee lagu kaydinayo xogta Dawladda iyaga oo sheegay in hirgelinta hawshan ay wasaaraddu dedaal badan ku bixisay.