Hargeysa:30/09/2020 (THN)-Xubnaha guddida qaban-qaabada shirweynaha Afraad ee shirweynaha KULMIYE, ayaa ergooyinka kala duwan ee ka qaybgelaya shirweynaha, kuwaas oo isaga kala yimi gobollada iyo degmooyinka kala duwan ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Guddoomiyaha guddida qaban-qaabada shirweynaha KULMIYE, Mudane Cabdikariin Axmed Maxamed (Xinif) oo ay hareero joogaan xubnaha kale ee guddidu, ayaa dhammaanba ergooyinka shirkaas ka qaybgalkiisa isu diiwaangeliyey ku wargeliyey in laga bilaabo habeenka uu soo gelayo jimcaha ugu horreeya ee bisha Tobnaad ee sannadka 2020-ka, ay qaadashada kaadhadhkaasi ka bilaabmi doonto xarunta dhexe ee xisbigu ku leeyahay caasimadda Hargeysa.
Guddoomiyuhu waxa uu xubnaha ergooyinka shirweynaha ku wargeliyey in qaadashada kaadhadhku socon doonto maalinnimada jimcaha soo socda ilaa sabtidana ay soo dhammaan doonto, isaga oo xubnaha ku adkeeyey inay ku dedaalaan inay kaadhadhkooda ku helaan muddadaas loo asteeyey oo aanay ka habsaamin.
Shirweynaha Afraad ee xisbiga KULMIYE, ayaa maalinta Axadda ee bisha Octoober 4-ta tahay, sannadka 2020-ka ka furmi doona Huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa, waxana la rajeynayaa inay kasoo qaybgalaan ergooyin tiradoodu kun kor u dhaafayso oo hore isu diiwaangelisay.