Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna guddoomiye-ku-xigeenka Afraad ee xisbiga KULMIYE, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta isu diiwaangeliyey qaadashada kaadhka shirweynaha Afraad ee xisbiga KULMIYE oo dhawaan furmi Hargeysa ka dhici doona.
Madaxweyne-ku-xigeenka waxa sidoo kale qaadashada kaadhka shirweynaha KULMIYE isla diiwaangeliyey oo ay wada-jir u tageen xarunta dhexe ee xisbiga KULMIYE, wasiirka wasaaradda Ganacsiga, Dalxiiska iyo wershedaha, Mudane Maxamuud Xasan Sacad (Saajin) oo ay isla maanta isugu tanaasuleen kursiga guddoomiye-ku-xigeenka Afraad ee xisbiga oo uu madaxweyne-ku-xigeenku ka tanaasulay u tartankiisa.
Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE, Mudane Axmed Cabdi-dheere, siyaasi Cabdicasiis Maxamed Samaale oo katirsan saraakiisa sare ee xisbiga iyo guddoomiyaha guddida qaban-qaabada dhirweynaha Afraad ee xisbiga KULMIYE, Mudane Cabdikariin Axmed Maxamed (Xinif), ayaa wehelinayey madaxweyne-ku-xigeenka iyo wasiirka Ganacsiga ku wehelinayey socdaalka gaaban ee ay xarunta dhexe ee xisbiga iskaga diiwaangeliyeen.