Shankaroon Mise Ayaan-Daran

Shankaroon Mise Ayaan-Daran

Sannadihii uu wargayska Jamhuuriya cusbaa ahaana horyaalka saxaafada xorta ah Somaliland ee uu ilayska u ahaa alle ha u naxariiste Maxamuud Cabdi Shide oo aan odhan karo wuxuu  ahaa siyaasi wadani ah, oo dadkiisa iyo dalkiisa  jecel. Maxamuud muu ahayn danayste ay daari qabyo ka tahay oo siyaasada u fahmay in wax lagu cabudhiyo ama lagu dhaco hantida umada, sida kuwa maanta jooga ee iyagu isku arka xarfaan dadka kale ka horeeya oo halkaa ku soo gaadhay xariifnimo. Dadka intiisii kalena waxay isku arkaan shaqaale, Halkii la rabay taas kasoo horjeedkeeda in siyaasiyiintu noqdaan shaqaale u adeega danta bulshada. Nin siyaasada u fahmay si dhab ah ayuu ahaa Maxamuud Cabdi Shide oo ma ahayn danayste guryo ka dhisanaaya xoolihii umadda uu ka dhacay oo dadkii dirtayna ay la xisaabtami waayeen.

Hadabba xiligaa ay Jamhuuriya cirka maraysay, Maxamuud Cabdi Shide iyo hawlwadeenadii Jamhuuriya ayaa xilligaa toosh ku ifin jiray wax kasta oo ay u arkaan in ay umadda hagardaamo u tahay iyo wax kasta  oo ay kuwa hogaanka u ahi daaha dabadiisa kula dhuumanayaan. Hawl-wadeenadaasi waxa ka mid ahaa ninkii Ma-qaloocshe ee Somaliland ugu yeedhi jiray ama ugu wanaqalay Shankaroon. Kaasi oo magacaa u isticmaali jiray in lagu majeerto Somaliland, afartii kale oo ay iyadu ugu roontahay sidaana ku siiyay magaca Shankaroon. Isaga oo ku soo bandhigi jiray maqaal aad u xiiso badan oo uu bixiyay Maqaloocshe.

Hadaba haddii uu maqaloocshe Shankaroon u arkayay, aniguna waxaan u arkaa in ay tahay Ayaan-Daran aanu Alle u yeelin nasiib badan oo ay caalamka ay ka mid ka tahay kula noolaato nabad, barwaaqo, sinaan, cadaalad iyo aqoonsi buuxa oo ay ku noqoto dal madax banaan oo leh wax allaale wax dal madaxbanaani leeyahay.

Waxaan haddaba halkan ku soo bandhigi doona waxa Somaliland min ilaa maalintii ay xoriyada ka qaadatay gumaystihii Great Britain ilaa maanta oo laga joogo 60 sanno waxa dib u dhaca intaa le’eg ka riday, oo aan xitaa loo aqoonsanayn 60 sano ka dib in ay tahay dal madaxbanaan oo ka tirsan jimciyada quruumaha ka dhaxaysa. Iska dhaaf kursi ay ku yeelatee kii ay ku lahayd ee loo aqoonsaday sanadkii 1960 kii bishii June 26 keedii ayaa ay lumisay oo ay faro madhan ka siddaa. Sababtaas weeye ta aan ugu wanqalay Ayaan-Daran haddii Maqaloocshe isagu mar hore ugu wanqalay Shankaroon. taasi oo aan ku sababayn karo Ayaandaranimadeeda cida horseedka ka ahyd iyo halka ay ka so abuurantay taasi oo aan gabogbogada maqlaaka u dhaafi doono dadwaynaha akhrisanaya midka ay Somaliland tahay Shankaroon mise Ayaan-Daran iyadoo magaca aanan bilaash ku siin ee aan u hayo wax badan oo sababo ah, oo ay ku kasbanayso inay tahay ayaan daran oo aanay ahayn Shankaroon.

Alle ha u naxariiste Xaaji Jiidhe ayaa loo sheegay in boqortooyadii Great Britain ee aynu u ahayn maxmiyada ay tagtay oo aynu xoriyadeeni qaadanay. Inta uu hadalkaa la yaabay ayuu dadkii dib u waydiiyay in Ingiriiskii la soo celin karo oo badda lagu gaadhayo iyo inkale? Dadkii waa ay la yaabeen iyaga oo la wareeray sabata uu xaajigu u leeyahay soo celiya ninkii uu Barkhad-cas lahaa:

 

ninkii awoowgay adoonsaday

ninkii aabahay indhaha tiray

anigana i oofo tiray

ninkaa aragiisa

uurkaan ka necbee

aan ooye albaabada ii xidha

 

haddaba kala fogaa arrinkan uu Xaaji Jiidhe la shir yimi iyo gabaygan Alle ha u naxariiste Barkhad. Ninba sidii ay ula muuqatay ayuu yidhi, hadana taariikhda ayaa marag u kala furta dadka iyadoo kala xusta ka saxsanaa iyo ka qaldanaa, tiibaana dhacday oo Xaaji Jiidhe ayaa helay arrinkii.

Haddi ay taariikhdu u kala marag furtay Xaaji Jiidhe iyo abwaan Barkhad cas oo kala aaminsanaa in gumaystihii loo darsan doono waliba ku taliyay in dib loo soo ladqabeeyo iyo in laga raysan doono. Waxaan anigu raacsanahay xaajiga waxaana aan ku raacsanahay inaanay Somaliland eeditaan mooye kasoo rayn aanay arag ka dib guuritaankii Great Britain. Lixdan sano oo rafaad aduunyo ah ayaa u dhamaaday, sidii uu uga tagay waxaanay ahayd hadii talo isku kaa sheegayso in la raaco taladii Xaaji Jiidhe, Micheal Maryaamo Cali, Axmed Xasan,Garaad Cali Jaamac iyo intii aaminsanayd inaan lagu dagdagin xorriyad aan loo tababarnayn.

Waxa jabka ugu wayn inagu keenay waa in aan la baran habkii dadka maamulka hayaa ay u noqon lahayeen adeegayaal bulsho (Civil servents). In midhkaas la gartaa waa engine ka dawlad nimada dhaqaajiya, waxaana ragii sidaa ku taliyay ka mid ahaa Michael Maryamo Cali waana la eeday diidmadaa, waana taa 60 sano kadib raadinaysa aqoonsi buuxa oo loo aqoonsado dawlad madax banana. Hadda ogow oo waxay noqotay dawlad madaxbanaan 60 sano ka hor. Laakiin 60 sano ayaa dib loo celiyay oo qayrkeed iyo qoomaheedba laga reebay, kuwii sidaa falay kuwo ka sii liita ayaa maantana hortaagan oo ah hor iyo daba diid hadii aad talo  aad siisana aan qaadanaynayn tu kale oo lagu guurana aan la imanayn.

Aan ku so afmeero maqaalka haddi Maqaloocshe ugu wanqalay Somaliland Shankaroon iyo mida shanta kale dhaanta waxaan leeyahay dib u soo noqoshadii madaxbanaanidii lagu ciyaaray 60 sano ka dib waxaan ugu wan qalay Ayaan-Daran.

Qore: Cabdi Muhumed

Cabdimuhumed60@gmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso