DAAWO SAWIRRADA : Wefti uu Hoggaaminayo Wasiirka Waxbarashada JSL oo Socdaal Shaqo ku jooga Nairobi
Nairobi (Togaherer) Wefti ballaadhan oo ka socda Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska oo uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska JSL Md. Axmed Maxamed Diiriye “Toorno” ayaa socdaal shaqo ugu kicitimay magaalo madaxda dalka Kenya ee Nayroobi.
Weftigan waxa ka mid ah Agaasimaha Guud ee WW&S Md. Axmed Abokor Maxamed, Agaasimaha Waaxda Maamulka Md. Maxamed Saleebaan Cumar iyo Lataliyaha Wasiirka Md. Siciid Maxamed Jaamac (Boodsane).
Ujeeddooyinka socdaalka weftiga ayaa ah xoojinta xidhiidhka Waxbarashada ee labada dal, wadatashiga hormagalinta qorshaha horumarinta Waxbarashada ee 2022-2026, tolaynta fulinta mashaariicda Waxbarashada, iyo abuurista Sanduuqa Horumarinta Waxbarashada (Somaliland Educational Development Fund).
Weftiga Wasaaradda Waxbarashada Somaliland oo ay xagga farsamada ka taageerayso Safaaradda Jamhuuriyadda Somaliland ee dalka Kenya ayaa shaqadiisa ka bilaabay kulan soo-dhawayn ah oo ay la qaateen Safiir-Kuxigeenka Safaaradda JSL ee dalka Kenya, Amb. Sharmaarke Geelle iyo hawlwadeennada Safaaradda.
Weftigu waxa ay kulammo la yeesheen Midawga Yurub (EU) oo ay ka wada hadleen xoojinta wada shaqaynta labada dhinac, kordhinta maalgalinta Waxbarashada JSL iyo diyaarinta mashaariicda horumarinta Waxbarashada oo ku salaysan Qorshaha Horumarinta Waxbarashada ee 2022-2026.
Sidoo kale weftiga Wasiirku waxa ay kulan shaqo la qaateen Hayadda Adam Smith International oo ay kala saxeexdeen heshiis farsamo oo ay maalgalinayso Midowga Yurub oo lagu kobcinayo adeegga ay Wasaaraddu u fidiso bulshada iyo guud ahaan horumarinta Waxbarashada Somaliland.
Weftiga Wasiirku waxa ay sidoo kale la kulmeen Safaaradda Finland ee Nairobi iyo Hayadda USAID, waxaanay kala hadleen kordhinta qaadhaan ay ku kabaan Waxbarashada JSL.
Weftiga ayaa la filayaa inay maalmaha soo socda kulammo la yeeshaan qaadhaan bixiyayaasha, laamaha Waxbarashada ee dalka Kiiniya iyo Jaaliyada Somaliland ee deggan dalka Kenya, haddii Eebbe idmo.
Weftiga ayaa la filayaa inay maalmaha soo socda kulammo la yeeshaan qaadhaan bixiyayaasha, laamaha Waxbarashada ee dalka Kiiniya iyo Jaaliyada Somaliland ee deggan dalka Kenya, haddii Eebbe idmo