Wasaarada howlaa guud iyo guryenta Somaliland oo cadeysey doorkeeda guryaha dowlada hoose maamulaan

Shir ka dhacay Wasaaradda Hawlaha guud ayaa sida lagu sheegay warsaaxaafadeed ka soo baxay la iskula qaatay ina Wasaaradda Hawlaha Guud Dhulka Iyo Guryeyntu dadajiso dhameytirka habraac badqabka dhismaha iyo sidii Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Qorshe iyo Naqshad ugu sameyn lahayd dhamaan Suuqyadda Dalka, si looga gaashaanto inay markale soo noqoto masiibadii haleeshay Suuqii Waaheen.” Ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka

Shirkan ayaa waxa ka soo qeybgalay dhamaan hal-doorka Injineeradda Dalka Somaliland iyadoo ay shirkan Wasiirka ku wehelinayeen Injineero ka tirsan Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta oo uu hogaaminayo Eng. Xamse Cadaroosh oo ah Khabiir ka Tirsan Wasaaradda ee soo diyaariyey Xeerka. Iyo Gudoomiyaha Gudida Hawlaha Guud Ee Golaha Wakiiladda Xildhibaan Xirsi C/laahi Xirsi Odowaa.

shirkan oo lagu nashaqanayo suuqyadda ayaa sida ku xusan warka ka soo baxay wasaaradda Hawlaha guud aanay ka soo qayb gelin dawladdaha hoose oo uu xeer siinayo dhismaha suuqyadda dalka.

Advertisement

Ku Xayeysiiso