Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Mudane C/laahi Abokor Cismaan Ayaa Maanta Shirgudoomiyey Shirka Ay Yeesheen Gudida Naqshadeynta Qaranka Oo Lagaga Hadlayey Fulinta Master Plan-ka Magaaladda Burco

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Mudane C/laahi Abokor Cismaan Ayaa Maanta Shirgudoomiyey Shirka Ay Yeesheen Gudida Naqshadeynta Qaranka Oo Lagaga Hadlayey Fulinta Master Plan-ka Magaaladda Burco.

11-10-2021 Hargeisa “Xafiiska Saxaafadda Wasaaradda Hawlaha Guud” Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Mudane C/laahi Abokor Cismaan Ayaa Maanta Shirgudoomiyey Shirka Ay Yeesheen Gudiyadida Naqshadeynta Qaranka Oo Lagaga Hadlayey Fulinta Master Plan-ka Magaaladda Burco.

Kulanka Saaka Waxa Goobjoog Ka Ahaa Dhamaan Xubnaha Gudida Naqshadaynta Qaranka, Ugu Horeeyo Gudoomiyaha Gudida Naqshadaynta Ayan Wasiirka Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Mudane C/laahi Abokor Cismaan, Wasiirka Arimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed, Wasiir Ku Xigeenka Horumarinta Biyaha Mudane Siciid Jibriil,. Wasiirka Horumarinta Reer Miyiga, Wasiirka Diinta Iyo Awqaafta Sheekh Albaani. Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Hawlaha Guud Maayirka Caasimadda Hargeisa Mudane C/kariim Axmed Mooge, Maayirka Magaaladda Burco, Badhasaabka Gobolka Togdheer Iyo Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Maxamuud Suldaan Aadan Yuusuf.

Intii uu socday Shirkan ayaa lagaga dooday sidii Loo fulin lahaa Master Plan-ka Magaaladda Burco, iyo Qorshaha uga yaala Gudida Naqshadaynta Qaranka, iyadoo xogwaran laga dhagaystay Badhasaabka Gobolka Togdheer Iyo Maayirka Degmadda Burco oo Gudida Naqshadaynta war bixin waaniga ka siiyay sida Magaaladu Diyaarka ugu tahay in la fuliyo Qorshe Magaaleedka Burco, Iyo sida Ka Maamul Gobol ahaan iyo Maamul Degmo ahaan diyaarka uyihiin In Mashruucaas uufulo.

Ugu danbeyn Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Mudane C/laahi Abokor Cismaan Ayaa sheegay in Wasaaradda Hawlaha Guud iyo hawlwadeenadu diyaar uyihiin fulin Qorshe Magaaleedka Magaaladda Burco, wixii ka dhiman ee farsamo Ahna Ay sida ugu Dhakhsaha badan ay udhameynayaan Gudi Wasiiro ah oo loo Xilsaaray arintaas oo kala ah.

Wasiirka Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta
Wasiirka Arimaha Gudaha
Wasiirka Xanaanadda Xoolaha Iyo Horumarinta Kaluumaysiga
Wasiirka Horumarinta Biyaha
Wasiirka Dhallinyaradda Iyo Ciyaaraha
Wasiirka Horumarinta Maaliyadda
Wasiirka Deegaanka Iyo Isbadelka Cimiladda.

ALLAA MAHAD LEH

Advertisement

Ku Xayeysiiso