Wafti ka socda Somaliland oo shir kaga qeyb galay magaalada Naivasha – Kenya

Wafti ka socda Somaliland oo shir kaga qeyb galay magaalada Naivasha – Kenya

“Wasaaradda Shaqo-galinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska oo kaashanaysa Hay’ada Calaamiga ah @Development pathways waxa ay soo agaasimeen Shirar iyo Aqoon is waydaarsi la xidhiidha Daryeelka Bulshada kuwaas oo ka qabsoomay Magaaladda Naivasha ee Dalka Kenya. Shirarkaas oo ay u jeedadoodu tahay sidii ay Somaliland u hirgalin lahayd Nidaam daryeel Bulsho oo taabo-gal ah.

Waxa kulamadaas ka qayb qaadanaayay Wasaaraddaha Somaliland Folaadka u ah Nidaam Daryaalka Bulshada. Wasaaaradda Cadaaladda, Qorshaynta Qaranka iyo Arrimaha Bulshadda. Sidoo kale Shirarka waxa qayb ka ahaa daneeyayaasha Somaliland ka taakuleeya Daryeelka Bulshadda.

Mudooyinkii u danbeeyay Wasaaradda Shaqo-galinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoysku waxa ay ku hawlanayd dhamaystirka Siyaasadda daryeelka Bulshada taas oo hada maraysa meel gebo gebo ah.”

Warbaahinta wasaarada shaqo-galinta iyo arimaha bulshada Somaliland .

Advertisement

Ku Xayeysiiso