SAWIRO:
Hargaysa October 16, 2022.
Shirka lixbolood laha ah ee isku dubba ridka Barnaamijka Caafimaadka iyo Nafaqada ayaa manta ka furmay magaalada hargaysa.
Shirkan oo Socon doona muddo laba maalmood ah ayaa waxaa kasoo qayb-galay isuduwayaasha Caafimaadka ee gobolada, Dhammaan agaasime waaxdeedayda Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, Madaxda ugu saraysa WHC iyo Haayadda ay wada shaqaynta leeyihiin Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, Shirkan ayaa ujeedadiisu tahay sidii wax layskaga waydiin lahaa lixdii bilood ee lasoo dhaafay wixii qabsoomay iyo wixii aan qabsoomin sababihii ay u qabsoomi waayeen, sidoo kale Qorshaha Caafimaadka ee lixdda bilood ee soo socda.
Abdishakour Fahiye
Xafiiska Warbaahinta ee Wasaaradda
Horumarinta Caafimaadka JSL