ayaa kulan tabobar iyo aqoon isweydaarsi ah u qabtey xubnaha Guddiga sare ee Ururka sariflayaasha Somaliland ee WADAJIR ee xaruntoodu tahay Hargeysa.

Baanka dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa kulan tabobar iyo aqoon isweydaarsi ah u qabtey xubnaha Guddiga sare ee Ururka sariflayaasha Somaliland ee WADAJIR ee xaruntoodu tahay Hargeysa.Tabobarakan oo ujeedadiisu ahayd sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta ka ganacsiga isku bedelka lacagaha ee sarrfilayaasha ka hawl gala suuqyadda lacagaha JSL ayaa waxa ibo furay Guddoomiye ku xigeenka Baanka dhexe mudane Cabdiraxmaan sh. Xasan Ismaaciil.

Tabobarka oo ay bixinayeen Saraakiil ka tirasan Waaxaha Siyaasadda Lacagta iyo korjoogtaynta hay’addaha maaliyadeed ayaa waxa ugu horayn ujeedooyinka guud ee aqoon isweydaarsigan ka hadlay Abshir Cabdi Maxamed, agaasimaha Qaybta korjoogtaynta Hay’addaha maaliyadeed iyo Maxamed Cabdilaahi Cali Agaasimaha Qaybta Siyaasadda Lacagta ee Baanka Dhexe oo tilmaamay in tabobarkan loo diyaariyay sidii sarrifle kastaa u ogaan lahaa una baran lahaa shuruucda lagu maamulo sarrifka iyo sarriflayaasha.

Guddoomiyaha ururka sarriflayaasha wadajir oo isaguna goobta ka hadlay ayaa hoosta ka xariiqay baahida ay urur ahaan u qabaan in ay helaan tabobaradda noocan oo kale ah, isagoona uga mahad celiyay madaxda Baanka dhexe fursadan ay siiyeen, kana codsaday in la joogteeyo.

Ugu dambayn Guddoomiye ku xigeenka Baanka Dhexe ee JSL ayaa sharxay muhiimadda uu bangi ahaan ugu fadhiyo aqoon isweydaarsigani isaga oo tilmaamay in ay lagama maarmaan tahay in kor loo qaado wacyiga iyo aqoonta bulshadda ku shaqaysata sarrifka ee la xidhiidha shuruucda iyo siyaasadaha uu Baanka ku maamulo sarrifka.

Allah Mahad Leh
Xafiiska warbaahinta BOSL

Advertisement

Ku Xayeysiiso