MADAXTOOYADA CUSUB EE DALKA ITOOBIYA YEELAN DOONO, TAASOO HORDHAC U AH ISBADALKA SOCDA.
Raysal wasaare Dr Abiye Ahmed Ali
Wuxuu shaaciyay nashqada dhismaha Madaxtooyada cusub ee dalka Itoobiya oo laga dhisayo goob keymo ah oo ka durugsan magalada Addis Ababa.
○ Bedka dhulka dhismayaa waa 3,700.Hectar.
○ Miisaaniyada dhismaha ku baxaysa waa 1.trillion oo Birr.
○ Mashruucani waxuu ka kooban yahay:-
Xarunta madaxtooyada,
Guryo Degganaansho ah,
Xarruumo ganacsi,
Biyo-xidheen,
Haroyin waa wayn oo ay dadku sameeyen,
Wadooyin iyo Goobo madadaalo.
Mashrucan oo sanadkii hore bilaabmay ayaa hadda waxaa si cusub loo dardar-galinayaa qaybta dhismaha madaxtooyada.
Xarunta madaxtooyada Itoobiya ee laga guurayaa waxay ku taala badhtamaha Addis Ababa taasoo lagusoo shaqeeyay dhawr qarni (4. Kilo)
Tani waa tusaalaha hordhaca u ah Muuqaalka isbadalka Itoobiyada cusub oo ku salaysan dawlad dhexe oo adag ahna Federalism deegaano ku dhisan.
Ninkan Abiye hadii Abassiniya farrafaraynta ka dayso, qorshihiisa barwaaqada wuu ka midho-dhalin karaa,
intuu meel iska saaro qolyaha dhaqaalaha aduunka isku eryanaya.