Wasaaradda Hawlaha Guud oo shir isugu yeedhay shirkadaha ka shaqeeya Real Estata ka wadanka,

Wasaaradda Hawlaha Guud oo shir isugu yeedhay shirkadaha ka shaqeeya Real Estata ka wadanka, shirkan oo uu shirgudoominayay Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada hawlaha guud mudane Maxamuud Warsame Jamac oo uu ku wahelinayo Agaasima Guud ee Wasaarada Hawlaha Guud Mudane Maxamuud Suldaan Aadan (Dawlad).

Shirkan oo ka dhacay xarunta Wasaaradda Hawlaha Guud oo ay dhamaan ka soo qayb galeen shirkadaha Real Estata ka shaqeeya.
ugu horayntii Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud oo ka warbixayay ujeedada shirkan ayaa sheegay in wasaaradu Qaranka u qaabilansan tahay Dhulka,Guryaynta,Shirkadahana ay ka shaqeeyaan dhamaan Wixii Real Estatka ah.
isagoo sheegay in ay wasaaradu gacanta ku hayso shuruucda iyo xeernidaamiyaha shirkadaha dhismaha iyo injineerada iyo siyaasadda guriyeynta.
ingineer Xamse Cadaroosh oo ka tirsan Lataliyayasha Wasaaradda Halwaha Guud oo ka Warbixayay ujeedada shirkan iyo waliba mustaqbalka ay ka damacsan tahay Wasaaradda Halwaha Guud Shirkadaha Real Estateka.
Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Halwaha Guud oo Shirkan soo xidhay ayaa sheegay in Shirkadaha aan sharciga liisanka qaadan ay qaatan isla markaan ay Wasaaradu wado dib u habaynta shuruucda shirakadaha Real Estateka.
sidoo kale Wasiir Ku Xigeenku Kula Dardaarmay in ay shirkaduhu ka qayb qaatan kor u qaadida dakhliga dalka oo ay bixiyaan cashuuraha ku waajibay.
ugu dambayntii waxa uu sheegay Wasiirku in ay hirgalinayaan dhamaan wixii shuruuc ah ee fududaynaya shaqada Real Estate ka.
ALLAA MAHAD LEH

Advertisement

Ku Xayeysiiso