Shirkadda Telesom waxay ku faraxsan tahay inay magaca Somaliland kaga qayb gasho shalay, Salaasa, 23 Nov, 2022 shirka caalamiga ah ee ganacsiga Afrika (Africa Business Forum – 2022),

Shirkadda Telesom waxay ku faraxsan tahay inay magaca Somaliland kaga qayb gasho shalay, Salaasa, 23 Nov, 2022 shirka caalamiga ah ee ganacsiga Afrika (Africa Business Forum – 2022), kaas oo uu sannad walba qaban-qaabiyo dalka Taiwan, gaar ahaan Bureau of Foreign Trade (BOFT), MOEA, TAITRA iyo Africa Taiwan Economic Forum (ATEF).
N99uuu n


Shirkan waxa lagaga hadlayay HAYAANKA IYO FURSADAHA TIKNOOLAJIYADDA IYO WARSHADAHA (Digital and Industrial Trends and Opportunities). Shirka waxa ka qayb-galay waddamo badan oo Afrikan ah sida: Eswatini, Ghana, South Africa, DR Congo, Nigeria, Algeria, Somaliland, Egypt, Tanzania iyo Rwanda.
Dhammaan waddamadaasi waxay soo bandhigayeen sida ay ugaga faa’iidaysteen tiknoolajiyadda dhinacyada horumarineed gaar ahaan e-Commerce & Digital Development, Medical Equipment, Security Industry, Manufacturing Sector, Renewable Energy (Solar & Wind), Agriculture & Food Processing.

Ugu dambayntii, Telesom waxay ku soo bandhigtay Shirkaasi horumarka TIKNOOLAJIYADDA & ISGAADHSIINTA SOMALILAND iyo geeddi socodka FACA 5AAD ama 5G ee Somaliland.

Advertisement

Ku Xayeysiiso