Somaliland: Hay’adda Duulista iyo Madaarada Somaliland ayaa sanadkan 2023 lagu daray Hay’addaha madaxbanaan ee dakhliga ay soo saaran isku maamula, halkii ay Hore uga Mid ahayd Hay’addaha ku tirsan dhanka wasaaradaha ee aan isku maamulin dakhliga ay soo saaran.
Sida ku cad odoraska Miisaniyada sanadkan 2023 ee Dawlada Somaliland Hay’adda Duulista ayaa lagu daray dhanka Hay’addaha u madaxbanaan isku maamulka dakhliga ay soo saaran sida: Baanka Dhaxe, Madbacada Qaranka, Dawladaha Hoose, Kaydka Haamaha shidaalka iyo Wakaaladaha Biyaha dalka.