Hangaraarac laba lugood uma dhutiyo!!! Xidigaha Geeska ,Calansidayaasha waqtigan ee fanka dadka Af-Somaliga ku hadla, oo u jawaabay kuwa saadaaliyey gabaldhacooda. Shalaad baratee waa la shubi jiray wah wah!!!!!
https://www.youtube.com/watch?v=WDGNCABS0HI&t=6001s
Cadowga Somaliland waxa ay saadaaliyeen dhamaadkii iyo burburkii kooxda Xidigaha Geeska oo ay u quudhi laayihiin heerka ay gaadhsiiyeen fanka dadyowga Af-Somaliga ku hadla. Saadaashaa xaasidnimadu ku buuxdo waxa u sibirsaareen dhowr fanaan oo laga saareyn xubinimadii kooxda oo iyagoo ku dabaqay xeer iyaga u gaar ah oo ay isku maamulaan.
Waxa la yidhi: “Doqoni meel lagu xafiiltamay in lagu kala tagaybay moodaa” Fanaaniinta kooxda ka yara duday waxan hubaa in, goor ay noqotaba, soo gurya noqon doonaan. Sobobtoo ah maaha markii ugu horeysay ee sidaasu ka dhex dhacdo kooxda oo hore ayey tan oo kale usoo martay.
Dadka xasadka ku ah wanaag kasta oo usoo kordha JSL waxay damceen in ay shaki galiyaan abwaanada iyo fanaaniinta xidigaha oo ay ku sheegeen in aanay waxba aqoon kol haddii ay ka cadhoodeen dhowr qof. Waxa faafiyeen dacaayad ah in Hargeisa ka dhamaaday abwaaniintii iyo fanaaniintii oo maanta wixii ka dambeeya aan la maqli doonin xidigo dambe oo Hargaysa kasoo hilaacaa. Waxa ay halmaameen in goobtani(Somaliland) ay aheyd walina tahay hoyga ay ku ababaan ee uu ku koro fanka Somaliyeed.
Taas waxa daliil u ah bandhig faneed ay xidigaha laftoodu qabteen dhowaan oo jawaab haboon u ah dadka sidaa qaba oo loogu qoosgoynayo.
Bandhig faneedkaa waxa ku jira hees uu ku luuqeynayo fanaanka Maxamed Bakaal Ciro Oo uu si dadban ummadda ugu sheegayo fanku in saldhigiisu waligii ahaa Somaliland.Heestaa waxa sameeyey Abwaan Jiheeye.
Cilmi kii Qabriga Dhigay
Cali Sugale la Dhaawacay
Cabdi Qays Dhaban Dhabay
Cagaf cagaf la dheelmaday
Dhakhtarkii Jeceylk iyo
Cabdi Idan dhexqaadee
Ina xashi Dhamac iyo
Hadrawi na sholaha Dhigay
Sangub kaga Dhawaajee
Dhoodaan, Bidde iyo Huuryo
Ka Samaystay Dhabo
Cartan kii la Dhaadhacay
Yamyam iyo Qarshena Dhibay
Adan Tarabi Dhaansaday
Gabyaagii Dheeg ,
Dhab u helay Sadiiq Birmad
Laabsaalax Xasan Dhuxul
Jeylani ku Dhugtamay
Dhuule kaga Waraaqshee
Weedhsame, Ababe Iyo Dhako
Dhiigooda Raacee Xidigaha geeskana
Dhamaan dhilay
Gadhle kii la Dheeliyey
Faysal Cumar u dhaadhacay
Qoor Yarana la Dhuubtee
Cali Gaabna dhaansaday
Xasan Muumin Dhilay
Xasan Ganey la dhaygagayee
Dhabnaashay Sooraan ……..
Hoos ka daawo heestaas
Waxa kale oo ku jira hees uu iyada qaadayo Maxamed BK oo uu curiyey gudoomiyahoodu, Laabsaalax, oo runtii la odhan karo waa cashar wanaagsan oo ay haboontahay in wax laga barto.
Heesta magaceeda waxa la yidhaa: Dhulka Soco in Kugu Fillan
Aduunyadu dheellibay ku curatoo
Markaad dhinac ka awdaba
Dhankalaa banaanoo
Qabyaday la dhalatay
Qofka aad wax dheertahay
Waxa jira in kaa dhiman
Oo loo dhameystiray…………………..
Hoos ka daawo heestaas
https://www.youtube.com/watch?v=dwU7DZfbjBk
Hoos ka daawo Barnaamujka oo dhameystirran
Allaa Mahad Leh