Hargaysa-April-13-2023- Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Dr-Maxamed Cabdi Xergeeye oo uu Wehelinayo Madaxa guud ee Hay’adda Caafimaadka aduunka (WHO) u qaabilsan Somaliland iyo Somaliya iyo Masuuliyiin kale ayaa kormeeray Xarunta dhalinta ogsajiinta (oxygen) Cusbitaalka guud ee Magaalada Hargaysa.
Kormeeran oo ahaa mid lagu indho-indhaynayay habsami u socodka qaybta dhalinta (oxygen) Cusbitaalka guud ee hargaysa oo lagu samaynayo balaadhin si kor loogu sii qaado adeeg-bixinta oxygen-ta Cusbitaalka oo ay iska kaashanayaan Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka iyo Haayadda Caafimaadka aduunka.
Intaa kadib Masuulinta ayaa booqasho iyo kormeer ku tahay Xarunta Qaranka ee hawlaha iyo gargaarka degdega ah, iyagoo mid mid u booqday qaybaha kala duwan ee Xaruntu ka koobantahay si ay ugu kuurgalaan Hawlaha shaqo ee ka socda Xarunta.
Wa-bilaahi Tawfiiq
Abdishakour Fahiye
Xafiiska Warbaahinta ee Wasaaradda
Horumarinta Caafimaadka JSL.