Mashruuca Qabyo Qoraalka Xeerka Ciidanka Qaranka ee saaka golaha wakiilada loo qaybiyay waxa ku jira Mushaharka ay qaadanayaan Saraakiisha Ciidanka Qaranku:

“Sareeye Gaas Mushahar u dhigma wasiir”

Mashruuca Qabyo Qoraalka Xeerka Ciidanka Qaranka ee saaka golaha wakiilada loo qaybiyay waxa ku jira Mushaharka ay qaadanayaan Saraakiisha Ciidanka Qaranku:-

Hanaankan uu xeerku jideeyay ayaa loo siinaya xuquuqaha mushahar xubnaha ciidanka qaranka.

1. Sareeye Guud Mushahar u dhigma Wasiir.
2. Sareeye Gaas Mushahar u dhigma wasiir .
3. Sareeyo Guuto Mushahar u dhigma Agaasimaha Guud.
4. Admiral Guuto waxa uu leeyahay mushahar u dhigma sareeye Guuto
5. Gaashanle sare 2/3 sadex meelood laba Mushaharka sareeyo Guuto .
6. Gaashanle dhexe ½ Kala badh Mushaharka Sareeye Guuto.
7. Gaashaanle ¼ Mushaharka sareeye Guuto.
8. Kabtan 2/3 Mushaharka Gaashaanle.
9. Laba xidigle 1/2 Mushaharka Gaashaanle.
10. Xidigle ¼ Mushaharka Gaashaanle.

FG:- Maalmaha soo socda ayaa golahu ka doodi doonaa Mashruucani Qabyo Qoraalka Xeerka Ciidanka Qaranka.

Advertisement

Ku Xayeysiiso