Gudoomiyaha xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa maanta magaalada Hargaysa hadhimo-sharafeed ugu sameeyay qaar kamid suxufiyiinta ka hawl-gala Somaliand.
Ujeeddada kulankan ayaa ahayd is xog-waraysi ku aadan xaaladda dalka iyo sidii loogu midoobi-lahaa difaacidda qarannimada.
Waxaa Gudoomiyaha kulankan ku wehelinayay xoghayaha guud ee xisbiga Maxamed Xuseen iyo Af-hayeenka Xisbiga Maxamed Bilaal.