Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto Madaxweyne uu xilkii kaga qaaday Maareeyihii Wakaaladda Madbacadda Qaranka

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto Madaxweyne uu xilkii kaga qaaday Maareeyihii Wakaaladda Madbacadda Qaranka.

Waxaanay u dhignaayeen Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-
Ujeeddo: Xil Ka-qaadis.
Ku: Maxamuud Raage Ibraahim
Maareeyihii Wakaaladda Madbacadda Qaranka
Mudane,
Sida aad la socoto, xilka Qaranka ayey sunnihiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado xilkii aad u haysay Qaranka.
Waxaan kaaga mahad-celinayaa muddadii aad haysay Xilka Qaranka.

Advertisement

Ku Xayeysiiso