Dhaqdhaqaaqyadii ugu dambeeyay ee Turkigu ka waday Soomaaliya iyo Itoobiya, oo ay ka mid ahaayeen booqashadii Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga

Dhaqdhaqaaqyadii ugu dambeeyay ee Turkigu ka waday Soomaaliya iyo Itoobiya, oo ay ka mid ahaayeen booqashadii Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga uu todobaadkii hore ku tagay Addis Ababa, khadka taleefoonka ee Madaxweynaha Turkiga uu si gooni gooni ah ugula hadlay Madaxda Soomaaliya iyo Itoobiya, iyo wejigii labaad ee wada-hadallada oo laga soo hormariyay waqtigoodii, waxay muujinayaan in labada dhinac wax isla meel dhigeen ama ugu yaraan ay isku soo dhawaadeen.

Arrintan waxaa sii xaqiijinaya hadalkii uu Hakan Fidan, carabka ku dhuftay, kaas oo ahaa in Soomaaliya ay bixiso marin biyood, halka Itoobiya looga baahan yahay in ay xushmayso madaxbanaanida dhuleed ee Soomaaliya.

Hase yeeshee, sababta ay wada-hadallada ka socday Ankara u fool-dheeraadeen ayaa ah in Itoobiya ay raadinayso qaab diblomaasiyadeed oo ay uga laabato heshiiskii ay la gashay Somaliland.

Haddii la gaadho heshiis maanta ama berri, waxaa ka soo baxi doona war-murtiyeed muhmal badan ku jiro oo dhinacyo kala duwan loo fasiri karo, balse biyo-dhaciisu yahay in MOU-gii dhicisoobey.

Itoobiya waxay af-gobaadsi ka dhiganaysa in dhankeeda ay ku adkaystay in aanay ka laaban heshiiskii ay la gashay Somaliland, balse cadaadis badan oo la saaray ka dib laga adkaaday

Waxaa suuragal ah in Itoobiya ay deked ganacsi ka hesho Soomaaliya oo ay gebi ahaanba ka dul-guurto Somaliland, inkasta oo Somaliland kala sii shaqeyn karto danaheeda, sida xoojinta xidhiidhka Itoobiya iyo Somaliland iyo ballan-qaadyada mustaqbalka ah, balse aan gaadhsiisnayn aqoonsi.

Waxaa kaloo suuragal ah in heshiiska Itoobiya iyo Somaliland la waafajiyo qorshaha Soomaaliya, tusaale ahaan, Itoobiya oo ka laabata damaceeda ah inay hesho bad ay leedahay iyo aqoonsiga Somaliland, halka Somaliland laga dhaadhicinayo inay bixiso deked ganacsi oo keliya, taas oo ay ku bedelanayso saami ay ka hesho shirkadda Ethiopian Airlines.

Laba gooraaleba, Somaliland way ku qasban tahay dhankii loo raraba inay u faruuryo xidhanaato, sababo dhaqaale awgeed iyo Itoobiya oo ah marinka kaliya ee u banaan marka la eego calaaqaadka aan fiicneyn ee ay la leedahay Soomaaliya iyo Jabuuti.

Natiijo kasta oo ka soo baxda wada-hadallada Ankara, waxay salka ku haysaa damaca guracan ee Itoobiya iyo tallaabadii geeljireynta ahayd ee Somaliland qaaday 1-dii January. Si kastaba ha ahaatee, wax kasta oo is-afgaradkaas looga fakan karo waxay guul weyn u noqonaysaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka Somaliland.

Advertisement

Ku Xayeysiiso