“NIYAD-JAB” Qalinkii Cabdinaasir Axmed Abraham

Dhowr goor oo dadweynaha niyadda san ee reer Somaliland safaf dhaadheer u galeen xulashada hoggaanka dalka, way ku hungoobeen oo faro madhan bay ka taagan yihiin. Haddana sidkeed ba ma leh. Hibashada dhibaatadaasi waxa ay keentay in dadku ka niyad jabaan guud ahaan ba doorashooyinka. Fahankaygana waxa ay u arkeen xaalku in uu yahay;
“Ma dhurwaa I haystaan,
Ku beddeli dhurwaa kale?” AHN “Axmed Jiiniyas”
 
Si kale haddaan u dhigno, dadku laba cudur oo kud iyo caal ah ayuun bay kala dooraanayaan, jaho-wareer kuna wuxuu dhaxalsiiyay in ay kuwan uun kala doortaan ee aanay u muuqan irrid kale oo looga bixi karo. (AHN) Gaarriye wuxuu yidhi:
“Darratiyo kud iyo caal,
Kala dooro mooyee,
Marna waxa dubuurta ah,
Ma idhaa ka digo-rogo.”
 
Kala doorashada laba bahal kii ku cuni lahaa, waa go’aan adag. Dadku yididiilooyin ayay burqanayeen 10 sanno ka hor. Goortanna niyad-jab ayaa qarqiyay, taasina waxa ay timid markii shakhsiyaad dawladnimada ba u haysta shilimaad kiishash lagu gurto dalka ay indho u noqdeen. Waanay majaro-habaabiyeen, may talin jirin, markay taliyeenna waa la eeday. Waa shakhsiyaad aad iyo aad u lacag jecel oo ku wanaagsanaa ganacsiga; in ay ku mashquulaan suuf iyo xanjo in ay isku dhejiyaan oo shilin shilin u geeyaan.
Marka arrintu taagan tahay ummad in la badbaadhiyo, ummad in loo fikiro, ummad in akhlaaq ahaan, dhaqaale ahaan, aqoon ahaan iyo garaad ahaan ba la dhiso, waxa ay u baahan tahay in shilinka laga saahido, ee in lagu saahido uma baahna.
 
Hoos waxa aan jecelaystay in aan idin kula wadaago dhacdo niyad-jabka dalka ka jira farta si toos ah ugu fiiqaysa oo aan shan sanno kula kulmay laba wiil oo Boorame ku dhashay. Dhacdadaasi waxa aan ugu magac daray “Dheemankii Awdal.”
 
LUULKII AWDAL
Ciidanka Booliska ee Djibouti ayaa iigu yeedhay laba wiil oo reer Somaliland ah oo da’dooduna tahay 17 iyo 18 jir. Djibouti ayay si sharci-darro ku soo galeen. Ciidanka illaalada xuduudka ayaa soo qabtay, kaddibna saldhig Djibouti ku yaal ayay keeneen.
Waxa aan damcay in aan ka shaqeeyo sidii Somaliland luugu soo celin lahaa, iyagana waxa soo gaadhay dhibaato ay ku wax qaadan karaan oo bisha June ayay 20Km xeeb u kulul lugeeyeen. Waxa aan ku idhi Djibouti oo dal jaarkeenna ah, isla markaa Soomaali aad is afgaran kartaan ah haddii sharci darro ku soo galisteeda intaas oo dhibaato ah idinka qabsatay imika aad u socotaan, Yamen kaddibna aad u sii dhaafaysaan Sucuudi ma odorasi kartaan mugga dhibka idinka horreeya idinkoo ka dhaqaaqay kan aad kala kulanteen soo galista Djibouti oo wali ba ciidankeedu idiin naxariisteen oo idin soo qaadeen.
Labada wiil midkii yaraa oo da’diisu 17 jir ahayd ayaa ii jawaabay. Wuxuu yidhi:
“Shan sanno oo hore oo maalmo iyo habeenno isku eeg-eeg ah ayaan soo noolayn, ma rabno in shanta sanno ee socotaa ay noqdaan gaar kuwii hore nooga ekaada.”
 
Halkaas waxa aan kala soo baxaynaa 17 jir baa jahayn waayay oo farta luugu fiiqi waayay meel wanaagsan. Waxa aan harraad u qabnaa Qaran ay jirto meel uu xarriiqday oo uu ku socdo. Qarannimada aan u baahannahay wakhti badan anigoon gelin aan Daba-taxan ka soo dheegto meerisyo qiimo badan. Wuxuu yidhi:
Waxa maanta ii daran,
Qaran haga dadweynaha,
Qaran damal sidiisii,
Noo dallaalimeeyoo,
Soo taabta darafyada,
Qaran aan dir-sooc jirin,
Qaran aan lahayn Dulin,
Nabaddoonka beeshiyo,
Raacatada dul-saar ku ah,
Qaran aan dirsado oo,
Aniga isu kay dirin,
Qaran iigu soo dara,
Oon iiga sii darin,
Qaran gudaha daafaca,
Debeddana aqoonsi leh.” Gaarriye.

Advertisement

Ku Xayeysiiso